Dawladdu waxa ay u furan tahay inay la shaqeyso xisbiyada mucaaradka – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa; Agaali/Sane 13/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa sheegay in dowladdu ay mar walba u furan tahay in ay la shaqeyso xisbiyada mucaaradka. 

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) ayaa kulankii uu la yeeshay wakiillada xisbiyada siyaasadda ee ka soo kala jeeda dhammaan dalka Itoobiya, ku sheegay in wada hadalada ay la yeelanayaan xisbiyada mucaaradka ay qeyb ka tahay isbedelada ka socda jawiga siyaasadda dalka. 

Waxa uu xusay in aysan habooneyn in loo maleeyo in caalamka uu ka jiro jawi siyaasadeed oo aan cillad laheyn.

Waxa uu sheegay in jawiga siyaasadda ay ka jiraan fikrado ku saabsan tartanka iyo iskaashiga, isla markaana xisbiga Barwaaqo uu ka shaqaynayo sidii uu tartan caafimaad qaba ula yeelan lahaa xisbiyada. 

Waxa uu tilmaamay in Xisbiga Barwaaqo uu ilaalinayo isu dheeli tirnaanta tartanka iyo iskaashiga uu la leeyahay xisbiyada siyaasadda.


 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in natiijada la hiigsanayo aan la gaari karin hadii aan la isku dheeli tirin tartanka iyo iskaashiga.

Waxa uu sheegay in 273 xubnood oo ka kala socda xisbiyada mucaaradka ay ka kala shaqeynayaan heerar kala duwan oo dowladeed, taasi oo si cad u muujineysa sida wanaagsan ee loo wada shaqeynayo.

Waxa kale oo uu tilmaamay in dawladdu ay ka shaqaynayso sidii loo dhisi lahaa dalka Itoobiya oo wanagsan iyadoo la kordhinayo ka-qaybgalka xisbiyada mucaaradka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu ay u furan tahay inay la shaqeyso xisbiyada la tartamaya, wuxuuna ka codsaday dhinacyadaas inay isku yimaadaan oo ay xoogga saaraan sidii fikrado adag loo soo saari lahaa.

#Itoobiya
#Wakaalladda Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015