Arrinta Dekedda Baddu waa Arrin Badbaadada Itoobiya ah – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) - ENA Af-Soomaali
Arrinta Dekedda Baddu waa Arrin Badbaadada Itoobiya ah – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa; Agaali/Sane 13/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa sheegay in arrinta Dekedda baddu aysan ahayn ajande siyaasadeed oo Itoobiya u taalla balse ay tahay arrin ku saabsan badbaadadeeda.
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) ayaa kulankii uu la yeeshay wakiilo ka socda xisbiyada siyaasadda ee ka socda dhammaan dalka Itoobiya, ku sheegay in rabitaanka Itoobiya mar walba uu yahay in ay si wadajir ah u horumaraan deriskeeda.
Wuxuu intaas ku daray in nabadda iyo horumarka Itoobiya ay door wanaagsan ka qaadan doonaan horumarka gobolka.
Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in Itoobiya ay tahay dal ballaaran oo ay ku nool yihiin dad aad u badan, waxa uuna tilmaamay in dalalka deriska la ah ay fahmaan in nabaddu iyo horumarku ay yihiin arrimaha ugu muhiimsan ay rabto Itoobiya.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Itoobiya ay ku dadaaleyso in si sharci ah oo nabad ah lagu xaliyo arrinta Dekedda badda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in arrinta dekeddu aysan ahayn ajande siyaasadeed, balse ay tahay arrin ay Itoobiya badbaadadeeda ah.
Waxa uu sheegay in Deked la’aanta ay culeys badan ku heyso dhaqaalaha Itoobiya, waxa uuna tilmaamay in arrintaasi ay u baahan tahay xal deg deg ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in Itoobiya ay u baahan tahay deked, isla markaana ay aaminsan tahay in arrintaasi wax looga qaban doono sharciga ganacsiga.
Waxa uu sheegay in dalalka deriska ah ay si dhab ah u fahmaan arrinta rabitaanka Itoobiya ee dekedda badda, oo ay fahmaan in arrintu ka timid rabitaan xooggan oo horumarineed iyo koboc.
#Itoobiya
#Wakaalladda Wararka_Itoobiya