Horumarinta Marinnada ee magaalada Jigjiga ayaa bilicda iyo quruxda Magaalada kor u qaaday - ENA Af-Soomaali
Horumarinta Marinnada ee magaalada Jigjiga ayaa bilicda iyo quruxda Magaalada kor u qaaday

Addis Ababa, Agaali/Sane 12/2017 (ENA): Bulshada magaalada Jigjiga ayaa sheegay in mashruuca horumarinta marinnada uu sare u qaaday quruxda iyo bilicda magaalada.
Qaybta koowaad ee mashruuca horumarinta marinnada ee magaalada Jigjiga ayaa ka kooban dhismaha waddooyin dhererkoodu yahay 10 kiiloomitir, kuwaasoo laga hirgelinayo lix goobood oo kala duwan.
Muwaadiniinta magaalada Jigjiga oo la hadlay wakaaladda wararka Itoobiya (ENA) ayaa sheegay in mashruucan uu wax weyn ka beddelay muuqaalka magaalada.
Macallin Muuse Xaaji, oo kamid ah dadka magaalada, ayaa xusay in mashruucan uu ka dhigay magaalada meel ku habboon shaqo iyo nololba, isla markaana uu meesha ka saaray caqabadaha naafad-daro ee haystay bulshada.
Sidoo kale, Faarax Cumar, ayaa sheegay in mashruucan uu ballaariyay waddooyinkii cidhiidhiga ahaa, taasina ay yareysay khatarta shilalka gaadiidka, isla markaana ay dadku si nabad ah u kala gooshi karaan.
Abrahaam Tafari ayaa dhankiisa sheegay in mashruucan uu fududeeyay isku socodka dadweynaha, gaadiidka, iyo baaskiilka, wuxuuna sheegay in tan ay muujinayso horumarka dhanka gaadiidka ee magaalada.
Waxay kaloo sheegeen in dadaalkan lagu ballaariyo magaalooyinka kale ee deegaanka ay lagama maarmaan tahay.
Injineer Shaafi Macalin, duqa magaalada Jigjiga, ayaa tilmaamay in mashruucan uu jawaab u yahay baahida muwaadiniinta ee ku aaddan maaraynta magaalada iyo horumarinta aasaaska adeegyada.
Wuxuu sheegay in mashruuca marinnada uu qeyb ka yahay qorshaha horumarinta magaalada, isla markaana uu ku yimid wadatashi lala yeeshay muwaadiniinta deegaanka.
Waxaa sidoo kale la shaaciyay in 85% la dhammeystiray dhismaha lixda waddo ee la qorsheeyay, taasoo ka hortageysa halista fatahaadaha oo horay u jirey.
Mashruucan ayaa sidoo kale ka kooban goobo nasasho ku dhan 5 hektar, goobaha ciyaaraha caruurta, xarumo madadaalo, iyo kafetariyooyin.
Waxaa la sheegay in waddooyinka la dhisay ay noqon doonaan kuwo muddo dheer adeeg bixiya, iyadoo adeegyo kale oo dhulka hoostiisa mara lagu daray si wax looga qabto baahiyaha magaalada.
Intaa waxaa dheer, mashruucu wuxuu abuuray fursado shaqo oo ay ka faa'iideysteen 12,500 oo qof oo deggan magaalada Jigjiga.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya