Danjire Binaalf Andhwaalem oo la kulmay Madaxweyne Donald Trump Aqalka Cad

Addis Ababa, Agaali/Sane 11/2017 (ENA): Danjiraha Gaarka ah ee Itoobiya u fadhiya Mareykanka isla markaana ah Danjire Buuxa, Danjire Binaalf Andhwaalem, ayaa kulan kula qaatay gudaha Aqalka Cad Madaxweynaha Mareykanka Donald J. Trumb.

Markii uu Danjire Binaalf Andhwaalem tagay Aqalka Cad, waxaa si diiran loogu soo dhoweeyay xaflad diblomaasiyadeed oo ka tarjumaysa xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Mareykanka.


 

Kulankan wuxuu noqonayaa tallaabadii ugu horreysay ee xiriir diblomaasiyadeed oo la sii ambaqaadi doono iyada oo loo marayo wadahadallo rasmi ah oo dheeraad ah mustaqbalka dhow.

Itoobiya iyo Mareykanka waxa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer oo ka badan 120 sano, waxaana labada dal ka dhexeeya iskaashi xooggan oo dhinacyo badan leh, sida: nabadda, xasilloonida, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Intii uu Danjire Binaalf Andhwaalem ku jiray booqashada aqalka cad waxa kale oo uu la kulmay Xoghayaha Guud ee Mareykanka Maarko Rubiyo.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015