Ansixidda beddelka lagu sameeyay xeerka ayaa xaliyay arrimo u nugul fasiraada oo ay adagtahay in la fuliyo – Guddiga Joogtada ah ee Sharciga iyo Cadaaladda. - ENA Af-Soomaali
Ansixidda beddelka lagu sameeyay xeerka ayaa xaliyay arrimo u nugul fasiraada oo ay adagtahay in la fuliyo – Guddiga Joogtada ah ee Sharciga iyo Cadaaladda.

Addis Ababa; Agaali/Sane 11/2017 (ENA): Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha Sharciga iyo Cadaaladda ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in wax ka bedelka lagu sameeyay xeerka loo ansixiyay si looga hortago sharciyeynta hantida lagu helo dambiyada iyo maalgelinta argagixisada lagu xaliyay arrimo markii hore u nugul in fasiraad laga bixiyo oo ay adag tahay in la fuliyo.
Golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay wax ka bedelka lagu sameeyay xeerka lagaga hortagyo sharciyaynta hantida lagu helo dambiyada iyo maalgelinta argagixisada.
Iissa Boru, oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga joogtada ah ee arrimaha sharciga iyo cadaaladda ayaa sheegay in Ansixidda qabyo qoraalka ee la soo jeediyay uu xeerka 780/2005 wax beddelay.
Waxa uu sheegay in wax ka bedel lagu sameeyay 14 ka mid ah 58-da qodob ee ku saabsan ku xeerka hadda jira; Waxa kale uu tilmaamay in wax ka bedelka lagu sameeyay uu salka ku hayo tallooyinka Guddiga Hawsha Maaliyadeed ee Caalamiga ah.
Waxa uu sheegay in wax ka bedelka xeerkan uu u sahli doono Itoobiya inay kaalinteeda ka qaadato dadaallada caalamiga ah ee looga hortagayo laguna xakameynayo dhaq-dhaqaaqa hantida dambiyada iyo maalgelinta argagixisada.
Xildhibaanada ayaa sheegay in wax ka bedelka lagu sameeyay xeerka ay tahay mid ku haboon maadaama dalka uu u baahan yahay sharciyo adag.
Qodobada qaar ayaa ka jawaabaya arrimaha la xiriira xuquuqda la siiyo ciidamada ammaanka, dib u soo celinta dhaqaalihii sida sharci darada ah loo qaatay iyo in sharciga lala tiigsado shaqsiyaadka maalgeliya argagixisada.
Guddoomiye ku xigeenka Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Iisa Boru ayaa ka jawaabay oo faahfaahiyey su’aalihii ay xildhibaannada Golahaasi weydiiyeen.