Waxaa la daah-furay wajiga 2aad ee ol’olaha ka hortagga diikhawga hawada ee Deegaanka Soomaalida.

Addis Ababa, Agaali/Sane 10/2017 (ENA): Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed ayaa furay ol’olahani oo ay ujeeddadiisu tahay ilaalinta badqabka bey’ada deegaanka iyo sidii looga hortaggi lahaa caqabadaha diikhowga hawada.

“Deegaan Nadiif ah” waa halkudhegga ol’olahani oo uu soo diyaariyay Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka dhulka miyiga ah ee Deegaanka Soomaalida.


 

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed ayaa sheegay in waxyaabaha lagaga hortaggi karo qashinka, bacaha iyo caagadaha lagu daadiyo waddooyinka ay yihiin: Baraarujinta iyo wacyiga bulshada oo kor loo qaado, haddii arrimahaasi lagu waantoobi waayana la sameeyo ganaax iyo shuruuc lagula xisaabtamo dadyoowga caadaysta arrimahaasi.

Ol’olahani ayaa xoojinaya daddaaladii hore ee lagu wajahayo caqabadaha deegaanka sida: Wasakhaynta biyaha, hawada iyo dhulka; gubidda qashinka si aan habboonayn iyo dhibaatooyinka ay keenaan walxaha aan dib loo warshadayn karin.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015