Ismaamulka Diri Dhaba oo Daahfuray Qorshe 90 Maalmood ah oo Lagu Horumarinayo Beeraha, Shaqo Abuurka iyo Deegaanka

Addis Ababa; Agaali/Sane 11./2017 (ENA): Maamulka Ismaamulka Diri Dhaba ayaa qorsheeyey in muddo 90 maalmood gudahood lagu fuliyo hawlo wax ku ool ah oo diiradda lagu saarayo dhinacyada: beeraha, shaqo abuurka, iskaa wax u qabso, xasillinta suuqa, cagaarinta deegaanka, iyo arrimo kale oo la mid ah. Hawlahan ayaa la qorsheeyey inay bilaabmaan bisha Säne ilaa bisha Bagume ee sanadka 2017-ka Tirsi-tariikhedka Itoobiya.

Qorshahan ayaa si rasmi ah loogu soo bandhigay madal ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta sare iyo kuwa dhexe ee maamulka Ismaamulka Diri Dhaba, kuwaas oo si qoto dheer u qiimeeyay istiraatiijiyadda lagu fulinayo.

Waxaa madasha ka hadlay Ku-xigeenka Duqa Magaalada ahna Madaxa Xafiiska Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga, Mudane Xarbi Buux, oo sheegay in hawlaha 90-ka maalmood ah ay muhiim u yihiin horumarinta nolol maalmeedka bulshada. Wuxuu tilmaamay in qorshahan si wadajir ah ay u hirgelin doonaan bulshada iyo maamulka.


 

Dhankiisa, Ku-xigeenka Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Laantiisa Diri Dhaba, Mudane Shaakir Axmed, ayaa isna xusay in hawlaha qorshaysan ay si weyn gacan uga geysan doonaan kordhinta wax-soo-saarka beeraha, abuurista fursado shaqo, iyo ka gudbidda saboolnimada iyo shaqo la’aanta.

Qorshahan faahfaahsan waxaa si rasmi ah u soo bandhigay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Ismaamulka Diri Dhaba, Mudane Hailemariam Dadi, oo sharraxay ujeeddooyinka iyo natiijooyinka laga filayo muddada saddexda bilood ah.

Ugu dambeyntii, madasha waxaa lagu falanqeeyay qorshaha hawleedka 90-ka maalmood ah, iyadoo laga dooday sida ugu habboon ee loo fulin karo hawlaha ku saabsan beeraha, shaqo abuurka, iskaa wax u qabso, xasillinta suuqa, cagaarinta deegaanka, iyo qorshayaasha kale ee horumarineed.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015