Itoobiya oo Dooneysa Inay Soo Bandhigto Dadaalkeeda Arimaha Cimilada ee “Ololaha Cagaaran” Shirweynaha Afrika ee Cimilada - ENA Af-Soomaali
Itoobiya oo Dooneysa Inay Soo Bandhigto Dadaalkeeda Arimaha Cimilada ee “Ololaha Cagaaran” Shirweynaha Afrika ee Cimilada

Addis Ababa, Agaali/Sane 9/2017 (ENA): Shirweynihii labaad ee Qaaradda Afrika ee Cimilada ayaa lagu wadaa inuu ka qabsoomo Addis Ababa intii u dhaxeysa Sebtember 8 ilaa 10, 2025, waxaana lagu qaban doonaa xarunta shirarka caalamiga ah ee Addis.
Shirkan waxaa si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Dowladda Itoobiya iyo Midowga Afrika.
Mas’uuliyiinta shirkan ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Itoobiya Dr. Fitsum Asefaa iyo Komishineerka Beeraha, Horumarinta Miyiga, Dhaqaalaha Bulshada iyo Cimilada ee Midowga Afrika Mosese Filakati, kuwaas oo si wadajir ah saxaafadda ugu faahfaahiyay ujeedada shirkan.
Dr. Fitsum Asefaa ayaa sheegtay in Itoobiya lagu doortay inay martigeliso shirkan iyadoo lagu qiray dadaalka ay waddanku ku bixinayso la tacaalidda isbeddelka cimilada.
Waxay intaas ku dartay in Itoobiya ay si firfircoon uga shaqeynayso hirgelinta hannaanka horumarineed ee sanadka 10-aad si ay u dhisto dhaqaale aan cimilada waxyeello u geysanayn.
Shirka, ayay tiri, wuxuu fursad siinayaa dalalka Afrika in ay ka wada hadlaan dhibaatada isbedelka cimilada, islamarkaana ay helaan xalka dabiiciga ah ee la jaanqaadi kara deegaanka.
Ololaha Cagaaran ee Itoobiya — kaas oo ah qorshe lagu beero balaayiin geed oo dalka oo dhan ah — ayaa la filayaa in Itoobiya ay si rasmi ah uga jeediso warbixin ku saabsan guulihiisa inta lagu jiro shirkan.
Dhinaciisa, Mosese Filakati wuxuu sheegay in isbedelka cimilada uu si toos ah u saameeyay ammaanka cunnada ee qaaradda Afrika, wuxuuna tilmaamay in shirkan uu yahay fursad muhiim u ah Afrika si ay u xoojiso dadaalka la tacaalidda caqabadahaas.
Ugu dambayntii, Shirka waxaa ka qeybgalaya madax sare oo ka socda waddamada Afrika, hay’adaha maalgelinta, bahwadaagta horumarinta, iyo daneeyayaasha kala duwan oo arrintani khusayso.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #OlolahaRaadkaCagaaran #ShirweynahaAfrikaEeCimilada #ItoobiyaIyoIsbedelkaCimilada