Qalabka Duubista Codka (Sanduuqa Madow) ee Diyaaraddii ku Burburtay Hindiya ayaa la Helay – Tallaabo Muhiim ah oo Laga Gaaray Baaritaanka - ENA Af-Soomaali
Qalabka Duubista Codka (Sanduuqa Madow) ee Diyaaraddii ku Burburtay Hindiya ayaa la Helay – Tallaabo Muhiim ah oo Laga Gaaray Baaritaanka

Addis Ababa, Agaali/Sane 9/2017 (ENA):Waxaa la xaqiijiyay in la helay qalabka duubista codka ee diyaaraddii dhawaan ku burburtay dalka Hindiya, arrintan oo muhiim u ah baaritaanka lagu ogaanayo sababta keentay shilkaas.
Diyaaradda nooca Boeing 787-8 ah oo ka duushay magaalada Axmedabaad kuna socotay London, ayaa shil ku gashay gudaha Hindiya, taas oo sababtay dhimashada 270 qof oo saarnaa diyaaradda.
Kooxda baaritaanka ee ku hawlan baadhista sababta shilka ayaa sheegtay in ay heleen qalabka duubista codka ee loo yaqaano Cockpit, kaas oo ku jiray qeybta kontoroolka ee diyaaradda.
Sida ay ku warrantay BBC, qeybta la helay ee diyaaradda waxay ka kooban tahay laba qalab muhiim ah oo loogu yeero “Sanduuqa Madow” – kuwaas oo kaydiya macluumaadka duulimaadka iyo wada sheekaysiga duuliyayaasha.
Helitaanka qalabkan ayaa loo arkaa horumar weyn oo lagu gaaray baaritaanka socda, waxaana baaritaankaas si wadajir ah u wadda khubaro ka kala socda Hindiya, Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska.
Qalabkan ayaa fure u noqon doona fahamka dhabta ah ee sababta keentay shilka diyaaradda, waxaana la filayaa in natiijadiisu ay wax badan iftiimin doonto.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya