Ciidamada Amniga waxay ka qayb qaateen hirgelinta imtixaanka fasalka 12aad sidii uu si nabadgelyo ah ugu qabsoomi lahaa— Wasaaradda Waxbarashada - ENA Af-Soomaali
Ciidamada Amniga waxay ka qayb qaateen hirgelinta imtixaanka fasalka 12aad sidii uu si nabadgelyo ah ugu qabsoomi lahaa— Wasaaradda Waxbarashada
Addis Ababa, Agaali/Sane 9/2017 (ENA): Wasiirka Waxbarashada Itoobiya, Brof. Birhanu Nega, ayaa sheegay in imtixaanka qaran ee fasalka 12aad ee sannad-dugsiyeedka 2017 uu si nabadgalyo ah u socdo, taasna ay kaalin mug leh ku leeyihiin hay’adaha amniga.
Wasiirku wuxuu sheegay in qorshe hawleedka sugidda amniga iyo wacyigelinta la xiriirta imtixaanka lagu guda jiro, waxaana ka qayb qaadanaya masuuliyiin ka tirsan Hay’adda Qaran ee Nabadsugidda iyo Sirdoonka, Komishanka Booliska Federaalka, masuuliyiinta amniga ee dawlad deegaannada iyo magaalooyinka, wakiillo ka socda maamulka ammaanka ee shabakadaha xogta, iyo madaxda jaamacadaha dalka.
Wasiirku wuxuu sheegay in dadaalka la gelinayo hirgelinta imtixaanka si sax ah uu salka ku hayo abuurista jiil tayo leh oo mas’uul ah, kaas oo dalkiisa horumarin kara.
Wuxuu intaas ku daray in la doonayo in la helo jiil karti leh oo tartami kara, sidaas darteedna imtixaanka waa in si hufan oo musuq la’aan ah loo qaadaa.
Wasiirku wuxuu xusay in 3-dii sano ee la soo dhaafay la sameeyay dadaallo lagu hagaajinayo nidaamka imtixaanka fasalka 12aad, kuwaas oo dhaliyay natiijooyin muuqda.
Wuxuu ku amaanay hay’adaha amniga kaalinta ay ka qaateen hirgelinta imtixaanka si nabadgalyo ah, isagoo uga mahadceliyay taageeradooda muuqata.
Sannadkan imtixaanka ayaa lagu qaban doonaa qaabka onlaynka in ka badan 150,000 arday ayaana galaysa, iyadoo qorshuhu yahay in nidaamka imtixaanka si buuxda ugu wareego dhanka dijitaalka.
Dhankiisa, Komishanka Booliska Federaalka Jeneraal Dhamelash Gebremikaa'eel wuxuu sheegay in boolisku door muhiim ah ka ciyaarayaan sidii imtixaanku si nabad ah, hufan, oo daahfuran u dhici lahaa.
Wuxuu tilmaamay in abuurista jiil anshax iyo akhlaaq leh ay tahay tiir muhiim u ah dhismaha nabadda dalka, isla markaana ka qaybgalka hay’adaha amniga ee imtixaanka ay leedahay faa’iidooyin badan.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya