Ciidanka Difaaca Itoobiya ayaa si xirfadeysan uga qeyb qaadanaya xaqiijinta hirgelinta Mashruuca Weyn ee Biyo-xireenka Itoobiya – Fildh Maarshaal Birhaanu Juula

Addis Ababa, Agaali/Sane 9/2017 (ENA): Taliyaha guud ee Ciidanka Difaaca Itoobiya, Fildh Maarshaal Birhaanu Juula, ayaa sheegay in Ciidanka Difaaca Itoobiya si xirfad leh oo kalsooni leh uga qeyb qaadanayaan xaqiijinta hirgalka Mashruuca Weyn ee Biyo-xireenka ee Itoobiya (GERD), si uu u noqdo mid dhab ah oo miro-dhala.

Sanad-guuradii saddexaad ee aasaaska ciidamada “Hidasé Corps” ayaa lagu xusay gudaha biyo-xireenka.

Fildh Maarshaal Birhaanu Juula oo hadal ka jeediyay munaasabaddaas wuxuu sheegay in biyo-xireenku uu yahay hanti qaran oo ay leedahay shacabka Itoobiya.

Wuxuu caddeeyay in Ciidanka Difaaca Itoobiya door muuqda ka qaadanayo dhammaan dhinacyada guusha mashruuca, gaar ahaan sugidda amniga biyo-xireenka, si mashruucu ugu hirgalo si buuxda.


 

Wuxuu intaas ku daray in ciidamada ay si geesinimo leh uga shaqeynayaan ilaalinta amniga biyo-xireenka si loo xaqiijiyo in mashruucu noqdo mid dhab ah oo la dhameystiro.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in mashruuca weyn uu yahay mid muuqaal ahaan muujinaya horumarka ay Itoobiya hiigsanayso, isla markaana ciidamada ay sii wadi doonaan dadaalka ballaaran ee lagu xaqiijinayo himilooyinka qaranka.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Fildh Maarshaal Birhaanu Juula, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Benishaangul-Gumus Ashadli Xasan, Maareeyaha Mashruuca Biyo-xireenka Itoobiyq Injineer Kifle Horo, iyo Taliyaha Ciidanka Galbeedka Letenan Jeneral Mesale Meseret.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015