Waa in si gaar ah loo xoojiyo dadaallada lagu faafinayo guusha laga gaaray sarreynta waxsoosaarka qamadiga oo sidoo kalena kor loo qaadayo dalagyada kale – Wasaarada

Addis Ababa, Agaali/Sane 9/2017 (ENA): Wasiirka Beeraha Itoobiya ayaa sheegay in horumar waara oo dhaqaale iyo dhisidda nidaam cunto oo xasiloon ay ku xirantahay sare u qaadista wax-soo-saarka beeralayda.

Lataliyaha Wasaarada Beeraha, Mudane Seena Habtewold, ayaa sheegay in Itoobiya ay hirgelinayso mashaariic horumarin oo kala duwan si loo dhiso nidaam beereed iyo mid cunto oo waara isla markaana aan nugleyn.

Wuxuu tusaale usoo qaatay guulaha laga gaaray horumarinta qamadiga, barnaamijka dhaqo oo dheefso iyo dalag iyo daryeel, waxsoosaarka bariiska, beeralayda khudradda cagaaran iyo wax ka qabashada isbedbedelka cimilada.


 

Wuxuu sheegay in la helay natiijooyin muuqda, taasina ay tusaale u tahay in beeralayda Itoobiya ay gaari karaan waxsoosaar sare haddii si sax ah loo hago.

Wasiirku wuxuu xusay in qaybta beeraha ay door muhiim ah ku leedahay kobaca dhaqaalaha dalka, sidaas darteedna dowladda ay si gaar ah u daneyneyso waaxdaas.

Hadda, Itoobiya waxay ku guuleysatay in waxsoosaarka sarreenka ay ku daboolaan baahida dalka gudaheeda, taas oo yaraysay hilinka qudaarta dibadda laga keeno.


 

Wuxuu intaas ku daray in qorshuhu yahay in guusha laga gaaray qamadiga sidoo kalena kor loo qaado dalagyada kale sida bariiska, si kor loogu qaado dheelitirnaanta waxsoosaarka.

Wasiirku wuxuu sheegay in dowladdu ay la shaqaynayso hay’adaha ay khuseyso si ay uga jawaabaan dhibaatooyinka dabiiciga ah iyo kuwa dad sameeyaha ah iyada oo la adeegsanayo awoodda gudaha.

Wuxuu tilmaamay in dadaallada socda ay qeyb ka yihiin xaqiijinta madaxbannaanida cuntada iyo horumarka dhabta ah ee Itoobiya.

Dhinaca kale, Itoobiya waxay si firfircoon uga shaqaynaysaa sidii ay u gaari lahayd yoolalka Barnaamijka Horumarinta Beeraha ee Qaaradda Afrika ee loo yaqaan CAADP.


 

Waxaa la sheegay in hay’adaha kala duwan ay haatan si wadajir ah uga shaqaynayaan ururinta iyo xaqiijinta xogta waxqabadka ee qaybta beeraha si loogu bandhigo heer caalami.

Sidoo kale, xogahaas ayaa lala wadaagayaa Wasaaradda Qorsheynta, Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’adaha kale ee dawladeed.

Ugu dambeyn, waxaa la xusay in dadaallada Itoobiya ay taageerayaan Bangiga Adduunka, IGAD iyo hay’ado kale oo caalami ah si loo xaqiijiyo yoolalka horumarinta beeralayda Afrika.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015