Su'aasha mushahaarka waa mid sax ah, Waxaan isku dayeynaa inaanu u saxno si miisaaman – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr)

Addis Ababa, Agaali/Sane 6/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed, isaga oo la hadlayay macallimiinta ka kala yimid guud ahaan dalka Itoobiya, ayaa sheegay in codsigooda mushahar kordhin ah uu yahay mid sharci ah, isla markaana dowladda ay isku dayeyso inay u saxdo si miisaaman oo tixgelin leh.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay in macallimiintu ay mudan yihiin ixtiraam weyn, wuxuuna yiri: “Intaan noolahay, markaan arko macallin baabuurkiisa ka degaya albaabka iskuulka hortiisa isagoo doonaya inuu dad wax baro, wax ka farxad badan ma jiraan.”

Wuxuu intaas ku daray in siyaasiyiintu iyo dadweynuhu ay wax badan ka sheegi karaan arrimaha siyaasadda, Facebook, iyo baarlamaanka, taasina ay caadi tahay. Laakiin haddii khilaaf laga abuuro arrimaha la xiriira macallimiinta, arrintaasi waxay noqonaysaa dhibaato qaran, ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in fikirka macallimiinta uu yahay saldhigga siyaasadda wax ku oolka ah, isla markaana dowladda ay si taxaddar leh uga fiirsato arrin kasta oo ay soo jeediyaan.


 

Sidoo kale, wuxuu sheegay in wadahadallada socda aysan ahayn kuwa magac uyaal uun ah, balse ay yihiin kuwo qalbiga ka soo baxaya oo la filayo in ay faa’iido dhab ah keeni doonaan.

“Xitaa haddii mushaharka la kordhiyo ama qofku guri yeesho, baahida iyo hamiga bini’aadamka xad ma laha,” ayuu yiri. “Si kastaba ha ahaatee, horumarka iyo isbeddelku waa inuu noqdaa mid miisaaman. Sidaas darteed, waa inaanu isku dheellitirnaa labada arrimood si masuuliyad leh.”

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015