Macallimiintu waajibaad adag baa ka saaran tahay inay cilmiga iyo runta faafiyaan xilligan la joogo ee dareenku ka xoog roonaaday xaqiiqada – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) - ENA Af-Soomaali
Macallimiintu waajibaad adag baa ka saaran tahay inay cilmiga iyo runta faafiyaan xilligan la joogo ee dareenku ka xoog roonaaday xaqiiqada – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa, Agaali/Sane 7/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa sheegay in macallimiintu waajib weyn ka saaran yahay inay dadka si daacad ah ugu gudbiyaan cilmiga iyo runta, gaar ahaan xilligan la joogo ee dareenku ka xoog roonaaday xaqiiqada.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu la kulmay macallimiin ka kala timid guud ahaan Itoobiya.
Intii uu kulanku socday, waxa uu sheegay in xilligan aynu ku jirno uu yahay mid ay aad u baahdo beenta, wuxuuna carabka ku adkeeyey in beenta lagu burburiyo wixii la dhisay.
Wuxuu sheegay in xilligan la joogo ee lagu tilmaamo "xilligan dareenku ka xoog roonaaday xaqiiqada" uu horseedayo dhalinyaro aan aragti fog lahayn oo aan garanayn hadaf, yool iyo macnaha dhabta ah ee nolosha, taasina ay keento in dareenku ka hormaro caqliga iyo xaqiiqada.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in macallimiintu ay masuuliyad weyn ka saaran tahay sidii ay runta iyo cilmiga u horseedi lahaayeen bulshada, isla markaana ay kaalin mug leh ka qaataan dhisidda maskaxda iyo aragtida dhalinyarada.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in aqoonta taariikhda shalay, fahamka maanta iyo aragtida berri ay yihiin furaha horumarka, taasoo uu macallinka ku matalayo mid door muhiim ah ka qaata dhismaha Itoobiya cusub oo loo gudbin karo jiilasha soo socda.
Ugu dambayn, wuxuu carabka ku adkeeyey in macallimiintu ay door laxaad leh ku leeyihiin dadaallada dalka lagaga saarayo dhibaatooyinka, saboolnimada, kala qeybsanaanta iyo cabashada, iyagoo bulshada u horseedaya midnimo, faham iyo horumar.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya