Xuska 4aad ee Todobaadka Xiisaha Ismaamulka Diridhaba oo la qaban doono 21ka ilaa 25ka bishan Sane 2017

Dirdhaba: Agaali/Sane 06/2017 (ENA): Madaxa Xafiiska Duqa iyo Arrimaha Kabinetka ee Ismaamulka Diridhaba, Mudane Gebeyehu Tilahun, iyo Agaasimaha Xafiiska Arrimaha Qoorbajoogta ee Ismaamulka Diridhaba, Mudane Biniyam Girma, ayaa si wadajir ah u qabtay shir jaraa’id oo ku saabsan xuska 4aad ee Todobaadka Xiisaha Diridhaba ee lagu qaban doono gudaha Ismaamulka.

Xuskan oo la bilaabay afar sano ka hor, ayaa ah munaasabad muhiim ah oo isu keenta qoorbajoogta ka soo jeeda Ismaamulka Diridhaba iyo dhammaan dadka jecel magaalada.

Mudane Gebeyehu Tilahun ayaa sheegay in ujeeddada xuskan tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka bulshada gudaha iyo qoorbajoogta, loogana faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira Ismaamulka Diridhaba, si kor loogu qaado dhaqaalaha deegaanka.


 

Dhankiisa, Agaasimaha Xafiiska Arrimaha Qoorbajoogta, Mudane Biniyam Girma, ayaa xusay in intii uu socdo Todobaadka Xiisaha Diridhaba, oo noqon doona muddo shan maalmood ah, la qaban doono munaasabado kala duwan oo ay ka mid yihiin:

👉Kulan dood cilmiyeed ah

👉Booqashooyin goobaha taariikhiga ah

👉Safar tareen

👉Tartan ciyaaraha isboortiga

👉Carwo sawireed iyo bandhig faneed

Shanta maalmood ee xuska ayaa loogu magac daray:

Maalinta 1-aad: Maalinta Caalamiga ah ee Diridhaba

Maalinta 2-aad: Maalinta Nabadda iyo Jacaylka

Maalinta 3-aad: Maalinta Dhaqanka

Malinta 4-aad: Maalinta Qoyska

Maalinta 5-aad: Maalinta Aqoonsiga iyo Mahadnaqa


 

Ugu dambayn, masuuliyiintu waxay guud ahaan bulshada Ismaamulka Diridhaba ugu baaqeen in ay si diirran u soo dhaweeyaan martida magaalada u imanaysa xuskan. Waxa kale oo ay ugu baaqeen qoorbajoogta inay si firfircoon uga qayb qaataan xuskan, isla markaana ay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Ismaamulka Dirdhabe

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015