Shirkadda Tareenka Itoobiya Illaa Jibuuti ayaa Shaacisay inay lix dugsi ka Dhisi Doonto Goobaha uu Tareenku Maraayo - ENA Af-Soomaali
Shirkadda Tareenka Itoobiya Illaa Jibuuti ayaa Shaacisay inay lix dugsi ka Dhisi Doonto Goobaha uu Tareenku Maraayo

Diri Dhaba; Agaali/Sane 6/2017 (ENA): Shirkadda Tareenka ee Itoobiya illaa Jibuuti ayaa shaaca ka qaaday inay soo gaba-gabeysay diyaar garowga dhismaha lix dugsi oo laga dhisayo goobaha uu tareenku maraayo.
Sidoo kale waxaa la sheegay in shirkadda ay si dhow ula shaqeyneyso bulshada ku dhaqan deegaannada uu tareenku maraayo si loo ilaaliyo nabadda iyo amniga si wada jir ah.
Agaasimaha Isgaadhsiinta ee Shirkadda , Muna Axmed, ayaa ENA u sheegtay in Bulshada ku dhaqan gobolada iyo magaalooyinka uu tareenku maraayo ayaa gudanaya waajibaadkooda shaqo iyagoo ilaalinaya amaanka tareenka.
Si loo sii dardar geliyo hawlahaas, shirkadda ayaa sheegtay in ay ka soo bixi doonto mas’uuliyadda ka saaran arrimaha bulshada, iyada oo dhiseysa dugsiyo ay wax ku bartaan bulshada ku dhaqan deegaannada uu tareenku maraayo.
Waxa kale ay sheegtay in shirkaddu ay kala shaqaynayso bulshada, isla markaana dareenka lahaanshaha bulshadu uu marba marka ka dambaysa sii kordhaya. Islamarkaana in shirkaddu ay dhisi doonto lix dugsi sare oo casri ah, islamarkaana ay ku wareejin doonaan bulshada.
Taliye ku xigeen Guulma Taaye oo ah madaxa guud ee beesha Mieyso illa Dawanle iyo daneeyayaasha shirkada ayaa sheegay in loo baahan yahay in si nabad ah loo ilaaliyo wadada tareenada, madax dhaqameedka iyo cuqaashana ay kaalintooda ka qaadanayaan.
Waxa kale uu sheegay in ay ku dadaalayaan sidii ay kaalintooda uga soo bixi lahaayeen, gaar ahaan dhalinyarada ku nool deegaanada uu Tareenku maraayo, isla markaana ay ka faa’ideysanayaan fursadaha shaqo.
Waxa uu si gaar ah u xusay in shirkaddu ay diyaarinayso dhismaha lix dugsi oo casri ah sanadka soo socda.
Ugu danbayntii, Mudane Cabdoo Cumar oo ka mid ah madaxda dhaqanka beesha Ciisaha Soomaaliyeed ahna wakiilka Ugaaska ayaa sheegay in aan ilaalineyno badqabka tareenada anagoo isku dubaridnay bulshada.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya