Si loo ilaaliyo sumcadda wanaagsan ee Itoobiya ee heer caalami iyo heer gobol waxay u baahan tahay ka qaybqaadasho firfircoon ee muwaadiniinta - Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Addis Ababa; Agaali/Sane 6/2017 (ENA): Shaqada joogtada ah ee dawladda, muwaadiniinta ku nool gudaha dalka iyo dibadda waa in ay si firfircoon uga qaybqaataan kor u qaadista sumcadda wanaagsan ee Itoobiya ee fagaarayaasha caalamiga ah iyo kuwa gobolka, ayuu yiri Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda danjire Hadera Abera.

Tababarkan oo ay soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Machadka Arrimaha Dibadda oo kaashanaya Guddiga Joogtada ah ee Xiriirka Dibadda iyo Nabadda ee Golaha Shacabka ayaa u furmay kooxaha saaxiibtinimada iyo diblomaasiyyiinta.


 

Tababarkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah oo maanta furmaya ayaa waxaa lagu baran doonaa siyaasadda arrimaha dibadda, diblomaasiyadda, diblumaasiyadda dalalka deriska ah iyo Itoobiya iyo weliba istaraatiijiyado kale oo dhanka xiriirka dibadda ah.

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda danjire Hadera Abera waxa uu xilligaas sheegay in dublamaasiyadda dhaqaale ay muhiim u tahay in la gaaro horumar iyo barwaaqo dalka iyadoo loo marayo dib u habeynta dhaqaalaha gudaha.

Waxa uu sheegay in isbedellada iyo xaaladdaha caalamka ee aan la saadaalin karin in la xoojiyo dadaallada dublamaasiyadeed ee wajiyada badan iyo abaabulan si loo ilaaliyo danaha qaranka Itoobiya.

Waxaa kale uu sheegay in laga wada shaqeeyo sidii loo soo jiidan lahaa ganacsiga iyo maalgashiga shisheeye, xoojinta iskaashiga, sumcad dhisida, ilaalinta danaha qaran ee dalkeena.

Waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in ay tahay in aan muujino oo aan dhisno muuqaalkeeda iyada oo loo marayo shaqadayada diblomaasiyadeed ee dadweynaha oo ah meesha uu ka dhashay bini'aadamka, mulkiilaha ilbaxnimo qadiim ah, calaamad u ah xorriyadda Afrika, iyo waddan ka mid ah qowmiyadaha kala duwan.

Arrintaas ayuu sheegay in dadka Itoobiyaanka ah ee ku nool gudaha iyo dibadda dalka looga baahan yahay in ay kaalintooda ka qaataan marka laga soo tago howlaha xiriirka dibadda ee ay waddo dowladda. 


 

Dhankiisa, Ambassador Shibru Mamo, Agaasimaha Guud ee Diblomaasiyadda Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda, ayaa sheegay in Diblomaasiyadda Dadweynuhu ay fursad u tahay dhismaha muuqaalka wanaagsan ee dalkeenna, kordhinta iskaashiga iyo saaxiibtinimada.

Ugu danbayntii, danjiraha ayaa ku nuux nuuxsaday, in fanaaniinta, hay’adaha cilmi baadhista iyo ururada kala duwan ee xirfadlayaasha ahi ay kaalin mug leh ka qaataan horumarinta bilicda dalka.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015