Dadaalka Itoobiya ee ku aaddan soo dhawaynta iyo habaynta qaxootiga waa mid in la ammaano mudan – Guddoomiye Filibbo Grandi - ENA Af-Soomaali
Dadaalka Itoobiya ee ku aaddan soo dhawaynta iyo habaynta qaxootiga waa mid in la ammaano mudan – Guddoomiye Filibbo Grandi

Addis Ababa; Agaali/Sane 7/2017 (ENA): Dadaalka ay Itoobiya ku bixisay soo dhawaynta iyo qaabilaada qaxootiga ayaa ah mid ammaan mudan, sida uu ku dhawaaqay madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Flibbo Grandi.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Itoobiya Taaye Atsqesilaase ayaa Qasriga Qaranka ku qaabilay Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Filibbo Grandi oo ay ka wada hadleen arrimaha Qaxootiga.
Guddoomiyaha Filippo Grandi ayaa u sheegay ENA kulanka ka dib in Itoobiya ay soo dhawaynayso oo ay qaabileyso tiro badan oo qaxooti ah, islamarkaana in hadda ay soo dhaweynayaan qaxootiga ka imaanaya Koonfurta Suudaan, Suudaan iyo wadamo kale.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in dedaalka ay Itoobiya ku bixisay soo dhawaynta iyo qaabilidda qaxootiga ay tahay mid ammaan mudan; waxa uu sheegay in la sii xoojin doono taageerada la siinayo.
Sidoo kale, Itoobiya waxay ku dadaali doontaa sidii ay beesha caalamku u aqoonsan lahayd oo ay u taageeri lahayd shaqada wanaagsan ee ay waddo ee ah qaabilaada iyo martigelinta qaxootiga.
Agaasimaha guud ee hay’adda qaxootiga iyo dib u celinta qaxootiga Teiba Xasan oo kulanka ka qeyb gashay ayaa sheegtay in waxyaabihii ay ka wadahadleen madaxweyne Taye Atsekeselas iyo madaxa hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay Filippo Grandi ay ahaayeen kuwo miro dhal ah.
Waxayna xuseen in ay si weyn uga wada hadleen, gaar ahaan arrimaha qaxootiga ee ku sugan dalka Itoobiya, iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada qaxootiga iyo arrimaha la xiriira.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya