Madaxweynaha DDS oo Shir-guddoomiyay Kulanka Joogtada ah ee Golaha Amniga Deegaanka

Addis Ababa, Agaali/Sane 4/2017 (ENA): Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka joogtada ah ee Golaha Amniga Deegaanka, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee nabadgelyada deegaanka.


 

Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga dhagaystay warbixinno la xiriira amniga guud ee deegaanka, falalka amni-darro ee la soo sheegay, iyo tallaabooyinka la qaaday si loo sugo xasiloonida shacabka.


 

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay hay’adaha ammaanka dadaalka ay u galeen ilaalinta nabadda, wuxuuna xusay in amniga deegaanka uu yahay mudnaanta koowaad ee dowladdu leedahay. Sidoo kale, wuxuu faray dhammaan hay’adaha amniga inay laba jibbaaraan dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida, si loo sugo jawi nabadeed oo u saamaxaya bulshada inay ku noolaadaan nolol deggan oo horumar leh.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafa-guray caqabadaha jira iyo fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha kala duwan ee amniga iyo bulshada rayidka ah.


 

Ugu dambayntii, Madaxweynuhu wuxuu ku adkeeyay in laga fogaado wax kasta oo keeni kara khalkhal amni, loona baahan yahay in si dhow loola shaqeeyo shacabka si loola dagaallamo falalka keeni kara dhibaatada iyo kala dambeyn la’aanta.

#Itoobiya  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015