Waxaa laga shaqeynayaa sidii loo Yareyn lahaa khatarta iyo u nuglaanshaha fatahaadaha

Addis Ababa, Agaali/Sane 4/2017 (ENA): Komishineerka Komishinka Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa sheegay in komishinku uu si joogto ah uga shaqeynayo sidii loo dhimi lahaa u nuglaanshaha fatahaadaha xilliga jiilaalka iyada oo loo marayo xoojinta awoodda dowladaha degaannada.

Dr. Shiferaw Teklemariyam, ayaa sheegay in ay la shaqeynayaan dowlad degaannada si ay u diyaariyaan qorsheyaal degdeg ah oowax ku ool ah oo lagu wajaho fatahaadaha.


 

Komishineerka Komishinka Maareynta Musiibooyinka ee Dowlad Deegaanka Koonfurta Itoobiya, Ganta Gama, ayaa sheegay in 10-kii bilood ee la soo dhaafay la fuliyey hawlo dib loogu dejinayo dadkii horey ugu barakacay fatahaad iyo dhul go'a, isla markaana ay socdaan dadaallo horudhac ah oo ka hortag ah.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dadka harsan ee ay saameeyeen fatahaadaha iyo dhul go'a lagu wado in la dejiyo ka hor dhammaadka bisha Sane.


 

Agaasimaha digniinta hore iyo ka jawaabista degdegga ah ee guddiga Maareynta Musiibooyinka ee Dowlad Deegaanka Amxaarada, Birhaanu Sewdhu, ayaa isna sheegay in dowlad deegaankaasi ay ku bixisay 145 milyan oo birr hawlo looga hortagayo fatahaadaha xilliga xagaaga.


 

Ugu dambayntii, waxa uu intaa ku daray in la aqoonsaday 33 degmo oo u nugul fatahaadaha si bulshada deegaankaas looga qayb geliyo diyaargarowga iyo u diyaar garowga xilliga roobka.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015