Ganacsatada maanta waxay mas’uul ka yihiin inay dhisaan Itoobiya wanaagsan si jiilka xiga liigu wareejo dal mustaqbal wanaagsan leh – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) - ENA Af-Soomaali
Ganacsatada maanta waxay mas’uul ka yihiin inay dhisaan Itoobiya wanaagsan si jiilka xiga liigu wareejo dal mustaqbal wanaagsan leh – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa, Agaali/Sane 4/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa sheegay in bulshada ganacsatada ay mas’uuliyad weyn ka saaran tahay dhismaha Itoobiya cusub oo la dhaxalsiin karo jiilka soo socda.
Dr. Abiy Axmed ayaa shir la yeeshay wakiillo ka kala yimid ganacsatada ee dalka oo dhan.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carabka ku adkeeyay in suuqa iyo ganacsigu ay kaalin mug leh ka qaataan koboca dal kasta.
“Suuqu dal ayuu dhisaa, aqoon ayuu abuuraa, awood ayuu dhalinayaa, hab-dhaqankana wuu beddelaa,” ayuu yiri.
Isagoo arrinta sii faahfaahinaya wuxuu yiri: “Suuqa kaliya ma ahan meel lacag laga helo, balse waa tiir muhiim ah oo lagu dhiso dal, wuxuuna leeyahay door muhiim ah oo la xiriirta jiritaanka qaranka.”
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu intaas ku daray in bulshada ganacsatada oo leh awood iyo fursado ballaaran ay masuuliyad culus ka saaran tahay dhismaha iyo horumarka dalka.
Wuxuu xusay in Itoobiya ay tahay dal wajahaya duruufo adag iyo tijaabooyin cusub, isla markaana haddii laga baaqsado wax ka qabashada khaladaadkii hore iyo la’aanta qorsheynta mustaqbalka, dhibka uu sii jiri karo.
Wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in dalka lagu horumariyo dheellitirnaan u dhexeysa sixitaanka wixii dhacay iyo qorsheynta mustaqbalka.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku boorriyay in Itoobiyaanku ay ka hormariyaan dantooda shakhsiga ah wax ka qabashada arrimaha qaranka iyo caqabadaha hortagan.
Wuxuu ka digay in la’aanta talo-wadaagga arrimaha muhiimka ah ee dalka ay tahay arrin halis ah oo saamayn ku yeelan karta dhammaan waaxyaha nolosha.
Ugu dambaymtii, Isagoo ku baraarujinaya doorka ganacsatada, wuxuu ugu baaqay inay kaalin mug leh ka qaataan xalinta caqabadaha taagan iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan, iyadoo la adeegsanayo fursadaha jira.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Warka_Itoobiya