Natiijooyin fiican ayaa la diiwaan geliyey iyada oo la hagaajinayo nidaamka hawlgalka, bixinta taageerada iyo la socodka qoondaynta miisaaniyada kabka ujeeddooyinka xaddidan - ENA Af-Soomaali
Natiijooyin fiican ayaa la diiwaan geliyey iyada oo la hagaajinayo nidaamka hawlgalka, bixinta taageerada iyo la socodka qoondaynta miisaaniyada kabka ujeeddooyinka xaddidan

Addis Ababa; Agaali/Sane 2/2017 (ENA): Waxaa lagu dhawaaqay in golaha federeeshinku uu horumar ka sameeyay nidaamka shaqo iyo taageerada iyo la socodka qoondaynta miisaaniyada kabka ujeedooyinka kooban.
Madal dood wadaag ah oo ay ka soo qeyb galeen daneeyayaasha heer federaal iyo heer maamul deegaan oo uu soo qaban qaabiyay golaha federeeshinka ayaa diirada lagu saaray wareejinta miisaaniyada kabka ujeedo kooban iyo qeybsiga dakhliga wadajirka ah.
Waxa madasha lagu soo bandhigay xog-ururin ku saabsan wareejinta miisaaniyada kabitaanka ujeedooyinka xaddidan iyo sida loo qaybsanayo dakhliga royalty ee ka soo gala shirkadaha waaweyn ee macdanta.
Natiijooyinka sahanka ayaa muujinaya in habka hirgelinta ee miisaaniyada kabida ee xaddidan aan loo maamulin si joogto ah.
Madaxweyneyaasha deegaannada iyo maayarada magaalooyinka ayaa soo bandhigay baahida loo qabo in si hufan loo qeybsado dakhliga la wadaago.
Dadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha deegaanka Sidhaama Dhasta Lidamo, Madaxweynaha DDS Mustafe Muxumad, Madaxweynaha deegaanka Koonfurta Itoobiya Tilahun Kebede, Maayarka Maamulka Magaalada Addis Ababa Adhaanech Abebe.
Sida ay sheegeen, dadaalladii la sameeyay sanadihii la soo dhaafay si loo hubiyo in si siman loo qeybsado kheyraadka ayaa laga soo saaray natiijooyin badan.
Waxa ay sidoo kale carabka ku adkeeyeen in qoondada miisaaniyada kabka ah ee xadidan loo maro habraaca sharciga ah ee loo dejiyay iyo qaab ka jawaabi kara baahiyaha aasaasiga ah ee shacabka.
Madaxweynaha deegaanka Gambella, Alemitu Umod, Madaxweynaha deegaanka Axmaarada, Arega Kebede, Madaxweynaha Dawlad-deegaanka Koonfur-galbeed ee Itoobiya, inj. Negash Wagesh (Dr.), ayaa ka faallooday qoondaynta miisaaniyada kabka ah ee xaddidan iyo qaybinta dakhliga la wadaago ee ay soo diyaariyeen Golaha Federaalka.
Waxa ay sidoo kale carabka ku adkeeyeen in laga shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa qoondada miisaaniyadeed ee loo siman yahay.
Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide iyo Wasiirka Macdanta inj. Habtamu, ayaa goob joog ka ahaa si uu uga jawaabo su’aalihii hufnaanta ahaa ee madasha lagu soo bandhigay.
Sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide; inkasta oo laga shaqeeyay in si cadaalad ah loo sugo miisaaniyada loo qoondeeyay deegaannada sanadihii la soo dhaafay, hadana waxa loo baahan yahay in la qabto hawlo kale oo baaxad leh.
Wasiirka Macdanta Inj. Habtamu Tegeny oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aan ahmiyad la siinin wax qaybsiga miisaaniyada guud ee gobolka marka loo eego miisaaniyada guud ee gobolada.
Madaxweynaha deegaanka Oromiya ahna Gudoomiyaha Gudida Joogtada ah ee Kaalmada iyo Dakhliga Guud ee Golaha Shacabka Mudane Shimelis abdisa ayaa carabka ku adkeeyay in qaybinta miisaaniyada xadidan ee kabka iyo dakhliga guud lagu dhaqmo qaabkii loo dejiyay lana raaco hab cad.
Afhayeenka Golaha Shacabka Agenyehu Tesheger waxa uu xaqiijiyay in aan la is weydiinin cadaalada loo qeybiyay dergaannada dalka.
Ugu dambayntii, wuxuu ugu baaqay dhinacyada ay khusayso inay ka wada shaqeeyaan sidii loo xalin lahaa daldaloolada ka muuqda hufnaanta fulinta habraacyada ku qeexan miisaaniyada kabka ah ee xaddidan iyo wadaagga dakhliga.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya