Waxaa muhiim ah laga fa'ydaysto diblumaasiyada dhaqaalaha si caalamka loola wadaago xaaladaha wanaagsan ee ay abuurtay dib u habaynta dhaqaale ee laga hirgaliyay gudaha Itoobiya - ENA Af-Soomaali
Waxaa muhiim ah laga fa'ydaysto diblumaasiyada dhaqaalaha si caalamka loola wadaago xaaladaha wanaagsan ee ay abuurtay dib u habaynta dhaqaale ee laga hirgaliyay gudaha Itoobiya

Addis Ababa, Agaali/Sane 2, 2017 (ENA) – Wasiirka Maaliyadda Axmed Shide ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay adeegsiga diblumaasiyad dhaqaale oo xooggan si bulshada caalamka loola wadaago xaaladaha wanaagsan ee ay abuurtay barnaamijka isbeddelka dhaqaalaha gudaha Itoobiya, kaasoo dib u soo noolayn ku sameeyay dhaqaalaha dalka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay tilmaame diblumaasiyadeed oo cusub oo cinwaankiisu yahay “Hagaha Diblumaasiyadeed ee Barnaamijka Isbeddelka Dhaqaale ee Gudaha”, kaasoo loogu talagalay in lagu wacyigeliyo bulshada caalamka guulaha laga gaaray isbeddellada dhaqaale ee Itoobiya.
Barnaamijkan tilmaamaha habraacyada waxaa si wadajir ah usoo diyaariyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Wasaaradda Maaliyadda, Komishinka Maalgelinta Itoobiya iyo Suuqa Hantida Gaar ah ee Itoobiya.
Intii ay socotay munaasabadda daahfurka, Wasiirka Maaliyadda mudane Axmed Shide wuxuu sheegay in Itoobiya ay gaartay natiijooyin la taaban karo oo ka dhashay isbeddellada dhaqaale ee la hirgeliyay toddobadii sano ee la soo dhaafay.
Wuxuu si gaar ah u xusay in wejiga labaad ee isbeddelka dhaqaalaha gudaha, oo ay kamid ahaayeen wax-ka-beddelka arrimo waaweyn oo dhaqaalaha ah sida sarrifka lacagaha qalaad in uu suuqu go’aamiyo, taaso kor u qaaday kordhinta maalgashiga shisheeye.
Habraacayada diblumaasiyadeed ee cusub ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka ciyaaraan xoojinta qulqulka maalgashiga, taasoo gacan ka geysaneysa gaarista yoolasha Itoobiya ee kobaca iyo isbeddelka qaab-dhismeedka dhaqaale.
Axmed Shide wuxuu adkeeyay in iskaashiga caalamiga ah in uu lagama maarmaan u yahay sii-xoijinta guulaha dhaqaalaha ee la gaaray, isagoo xusay in diblumaasiyad dhaqaale oo xooggan lagama maarmaan u tahay in lasoo bandhiho sida ay Itoobiya u tahay meel maalgashi Ku haboon.
Sidoo kale wuxuu sheegay in safaaradaha Itoobiya ee caalamka hadda fursad u helayaan inay si joogto ah u muujiyaan natiijooyinka wanaagsan ee kasoo baxaya dadaallada dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka.
Sidaas darteed, diblumaasiyadda dhaqaale ee xooggan ayaa ah mid lagama maarmaan u ah abaabulka taageerada caalamka ee ajendaha isbeddelka ee Itoobiya.
Wasiirka Maaliyaddu wuxuu sidoo kale tilmaamay in kaabeyaasha muhiimka ah ee gaadiidka ee Itoobiya, sida shirkada Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines, ay si wax-ku-ool ah ugu suurtagelinayaan dalka inuu suuqyada caalamka si degdeg ah ugu gudbiyo wax-soo-saarkiisa, taasoo xoojinaysa tartankiisa suuqa.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Gedion Timotheos ayaa xusay in dalku hada ka hor ay haysteen caqabado dhaqaale, deyn badan, shaqo la’aan baahsanayd,wax-soo-saar hooseeya, iyo awoodda fulinta mashruucyada oo liidatay.
Wuxuu xusay in barnaamijyada isbeddelka dhaqaalaha gudaha ee la hirgeliyay sanadihii u dambeeyay ay keeneen guulo la taaban karo.
Wuxuu si gaar ah u tilmaamay horumar laga gaaray qaybaha beeraha, gaar ahaan wax-soo-saarka qamadiga, iyo sidoo kale korodhka awoodda wax-soo-saarka warshadaha iyo beddelka waxyaabaha dibadda laga keeno.
Wasiirka Arrimaha Dibaddu wuxuu intaa ku daray in hoos-u-dhigista deynta Itoobiya ay u suuragelisay in lagu tiriyo dalalka dhaqaalahoodu sida xawlig ah u korayo, wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la sii wado horumarka iyadoo si firfircoon loo dhiirrigelinayo fursadaha maalgashi ee cusub ee dalka.
Wuxuu intaa ku daray in tilmaamaha diblumaasiyadeed ee la daahfuray ay gacan ka geysan doonaan horumarin iyo soo bandhigida wax-ku-oolnimada ee lagu soo jiidanayo maalgashiga tooska ah ee shisheeye.
Sidoo kale wuxuu sheegay in barnaamijka isbeddelka dhaqaalaha gudaha uu abuuray fursado badan oo u furmaya maalgashadayaasha shisheeye fursado maalgashi, kuwaasoo u baahan in si hufan loogu gudbiyo bulshada caalamka.
Ugu dambeyn, wuxuu xusay in diblumaasiyiinta Itoobiya hadda ay haystaan qalab si fiican loo diyaariyay oo ay ugu gudbin karaan caalamka xaaladda wanaagsan ee dalka iyo fursadaha maalgashi ee sii kobcaysa.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya