Dadaallo Dijitaal Ah oo Lagu Taageerayo Doorashada Qaranka ee 7aad Ayaa Socda

Addis Ababa, Agaali/Sene 2, 2017( ENA) – Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Itoobiya ayaa sheegay in uu wado hawlo badan oo loogu talagalay in doorashada qaranka ee 7aad lagu taageero farsamada casriga ah.

Guddigu wuxuu sheegay inuu ku howlan yahay hirgelinta tignoolajiyado kala duwan oo lagu taageerayo doorashada. Waxaana ka mid ah qorshe la diyaariyay oo ah in isdiiwaangelinta musharaxiinta iyo codbixiyeyaasha lagu sameeyo si tignoolaji ah.

Guddigu wuxuu hadda magaalada Addis Ababa ku qabtay dood ay kasoo qayb galeen hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadeed ee kala duwan, taas oo lagaga hadlayo diyaarinta iyo talo ururinta la xiriirta adeegsiga tignoolajiyada.


 

Melatwork Hailu, oo ah madaxa xoghayaha ee guddiga, ayaa sheegtay in guddigu uu ku howlan yahay hirgelinta nidaam doorasho oo lagu taageerayo tignoolajiyada casriga ah.

Waxay faahfaahisay in doorashada qaranka ee 7aad ee soo socota loogu talagalay in la sameeyo app barnaamij tignoolaji ah oo sahlaya isdiiwaangelinta musharaxiinta iyo codbixiyeyaasha.

Waxaa sidoo kale la xusay in doorashada soo socota, isdiiwaangelinta musharaxiinta si buuxda loogu samayn doono tignoolajiyada. Arrintan ayaa la tilmaamay inay yarayn doonto kharashaadka, waqtiga iyo shaqaalaha loo baahan yahay.

Barnaajyadani waxay si gaar ah u horumarinaya Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Itoobiya.

#Wakaaladda_Wararka_Itobiya
#Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015