Muxuu Ka Koobanyahay Mashruuca horumarinta Marrinada ee laga dhisay inta u dhaxaysa Ambasa Geerash–Jackros iyo Gooro : - ENA Af-Soomaali
Muxuu Ka Koobanyahay Mashruuca horumarinta Marrinada ee laga dhisay inta u dhaxaysa Ambasa Geerash–Jackros iyo Gooro :

👉 Jid baaskiil oo dhererkiisu yahay 4 kiiloomitir iyo wadooyinka lugta loogu talagalay oo ka badan 8 kiiloomitir.
👉 Saddex barkin oo gawaarida la dhigto, meelaha carruurta ay ku ciyaaraan,
👉 Toddoba barxadood,lix musqulaha dadweynaha ah, iyo laba ceel-biyood.
👉 13 xarumood oo loogu talagalay meelaha laga raaco lagagana dego tagaasida.
👉 Intaas waxaa dheer, mashruuca waxaa kamida 872 dukaan.
👉 Wadadan waxay horey u ahayd mid si xad-dhaaf ah mashquul u ahayd, halis badanna lahayd, iyadoo ay si joogto ah u dhici jireen shilal iyo saxmad badan oo gaadiid ah.
👉 Mashruucani wuxuu xal u yahay yareynta isusocodka gaadiidka ee ka yimaada marinada waaweyn ee Goro iyo jihada Garoonka Diyaaradaha ee Caalamiga ah ee Bole.
👉 Wuxuu fursad u abuuray dhisidda meelo ganacsi oo ballaaran, taasoo horseedaysa abuurista fursado shaqo oo waara oo kumannaan qof oo deegaanka ah ay ka faa’iideysan karaan.
👉 Horumarka waxaa loodhusay hab leh laamiyo casri ah, wadooyin loogu talagalay dadka lugeynaya, jidadka baaskiilka, goobaha ciyaarta carruurta, meelo baarkino ah oo gawaarida la dhigto, istaanada tagaasida iyo basaska, meelaha dadweynuhu ku nastaan, musqulo dadweyne, iyo dhismayaal ganacsi oo si taxadar leh uga durugsan wadada—taasoo xaqiinaysa in mashruucu u furan yahay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada.
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya