Baaq loo jeediyey shacabka si ay uga qayb qaataan dhaqdhaqaaqa “Itoobiya Nadiif ah” oo ay waajibkoodana gutaan

Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 28/2017 (ENA): Dood-cilmiyeed qaran oo ku saabsan wajiga labaad ee ololaha “Ilaalinta Degaanka” oo halkudhig looga dhigay “Itoobiya Nadiif ah” ayaa maanta si rasmi ah uga furmay dalka.

Mas’uuliyiintii ka qaybgalay doodda, waxaa ka mid ahaa Wasiiru Dowlaha Biyaha iyo Tamarta Inj. Suldaan Wali (PhD), oo sheegay in in la ilaaliyo lagana faaiidaysto khayraadka biyaha ay tahay mid muhiim ah si loo taageero dhaq-dhaqaaqa “Itoobiya Nadiif ah”.

Waxa uu xusay in horumar waara lagu gaari karo haddii si baaxad leh loo adeegsado tamarta la cusboonaysiin karo, islamarkaana ay lama huraan tahay in laga faa’iidaysto tamarta laga dhaliyo qashinka.

Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha Beeraha, Brof. Iyaasuu Iliyaas, waxa uu tilmaamay in laga soo bilaabo 2011, Itoobiya ay hirgalisay olole cagaaran oo wax ka beddelay xaaladda abaarta, taas oo suurtagelisay in in ka badan 40 bilyan oo geedo ah la beero.


 

Waxaa sidoo kale la sheegay in dadaalka lagu wacyigelinayo bulshada iyo sidii ay si firfircoon uga qaybqaadan lahaayeen dhaq-dhaqaaqa “Itoobiya Nadiif ah” uu mudnaan gaar ah leeyahay.

Wasiiru Dowlaha Gaadiidka iyo Saadka, Bareeco Xasan, ayaa isna sheegay in wasaaraddu ay si toos ah uga shaqaynayso howlaha la xiriira taageeridda ololaha “Itoobiya Nadiif ah”. Waxa uu xusay in siyaasado wax ku ool ah lagu hirgelinayo gaadiidka aan matoorka lahayn, si loo dhimo wasakheynta hawada.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in in ka badan 110,000 oo gaadiid koronto ku shaqeeya ay hadda si rasmi ah uga howlgalaan gudaha Itoobiya.

Ugu dambayn, waxaa la xaqiijiyay in aragtida “Itoobiya Nadiif ah” ay tahay mid u baahan ka-qaybgalka dhammaan shacabka, loona baahan yahay in dadku ay gacan ka geystaan masuuliyadda ka saaran ilaalinta degaanka.

#Itoobiya  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #Itoobiya_Nadiif_ah #Ilaalinta_Deegaanka #Barnaamijka_Raadka_Cagaaran #Gaadiidka_bilaa_matoorka_ah

Wakaalada Warka Itoobiya
2015