Nabadda iyo horumarka si wadajir ah ayaan ugala shaqayn doonaa dowladda": Xisbiyada siyaasadeed ee ka hawlgala deegaanka Benishaangul Gumus - ENA Af-Soomaali
Nabadda iyo horumarka si wadajir ah ayaan ugala shaqayn doonaa dowladda": Xisbiyada siyaasadeed ee ka hawlgala deegaanka Benishaangul Gumus

Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 28/2017 (ENA): Golaha wadajirka ah ee xisbiyada siyaasadeed ee ka hawlgala deegaanka Benishaangul Gumus ayaa shir muhiim ah la qaatay Madaxweynaha Deegaanka, Mudane Ashaadli Xasan, iyaga oo diiradda saarayay arrimaha nabadda iyo horumarka wadajirka ah.
Madaxweynaha deegaanka ayaa intii uu shirka socday ku caddeeyay in dowladda ay mudnaan siineyso in khilaafaadka lagu xalliyo wada hadal, isagoo tilmaamay in dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda ay dhaleen miro muuqda.
Sidoo kale, wuxuu xusay in shacabka deegaanka ay mudan yihiin in laga jawaabo baahidooda aasaasiga ah ee dhanka horumarka, taasoo u baahan in si wadajir ah loo wajaho.
Dhankooda, xisbiyada siyaasadeed ayaa tilmaamay in guulo la taaban karo laga gaaray dhinacyada maalgashiga, macdanta iyo qaybaha kale ee horumarka, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay sii xoojiyaan iskaashigaasi.
Xisbiyadu waxa ay sidoo kale muujiyeen in ay si buuxda uga go’an tahay in doorashada qaranka ee soo socota noqoto mid xor ah, caddaalad ah, oo dimuqraadiyad ku saleysan.
Ugu dambayn, xisbiyada siyaasadeed ee deegaanka Benishaangul Gumus ayaa carabka ku adkeeyay in ay si wadajir ah ula shaqayn doonaan maamulka deegaanka si loo gaaro nabad waarta iyo horumar loo dhan yahay.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #Xisbiyada_Siyaasadda #Benishaangul_Gumus