Itoobiya iyo Kenya ayaa dardar gelinaya Mashruuca Albaabka Horumarinta Geeska Afrika

Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 28/2017 (ENA): Masuuliyiin sare oo ka kala socday Itoobiya iyo Kenya ayaa maanta ku kulmay magaalada Addis Ababa, si ay dardar u geliyaan hirgelinta Mashruuca Albaabka Horumarinta Geeska Afrika (HoAGDP). Mashruucan ayaa ujeeddadiisu tahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga xuduudaha, iyo isku xirka dhijitaalka ah ee dalalka gobolka Geeska Afrika.


 

Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Axmed Shide, ayaa sheegay in buundooyinka la qorsheeyay in laga dhiso Suftu iyo Rhamu ay yihiin kuwo astaan u ah iskaashi dhab ah oo u dhexeeya labada dal, wuxuuna xusay in buundooyinkani ay gacan ka geysan doonaan kobcinta dhaqaalaha, xoojinta ganacsiga, iyo abuurista fursado shaqo.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu muujiyay muhiimadda dhismaha Xafiis xuduudeed Hal-meel-ah oo Rhamu laga hirgeliyo, si loo fududeeyo nidaamyada kastamyada oo hufnaan lagu gaadho.


 

Wasiirka Maaliyadda Kenya, John Mbadi, oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay ka qeybgalka mashruuca HoAGDP, isaga oo ku tilmaamay mid istiraatiiji ah oo dan u ah labada dal iyo guud ahaan gobolka.

Mashruucan ayaa waxaa maalgelinaya Bangiga Adduunka iyadoo ay ku bixayso 750 milyan oo Doollar, iyadoo la filayo in la dhameystiro sanadka 2028. Labada dhinac ayaa xaqiijiyay in ay si buuxda uga go’an tahay fulinta mashruuca.

Dhinaca dhijitaalka, Wasiir Axmed Shide ayaa sheegay in Itoobiya ay qorsheyneyso fidinta kaabeyaasha fiber optik-ga si ay ugu xiranto Jabuuti, taas oo sare u qaadi doonta isku xirka bulshada, adeegyada dowladeed, iyo fududeynta ganacsiga.


 

Xoghayaha Guud ee IGAD, Dr. Worqineh Gebeyehu, ayaa dhankiisa xusay in kaliya 23% dadka ku nool aagga Mandheera ay helaan internet la isku halleyn karo, wuxuuna mashruucan ku tilmaamay mid fure u ah isbeddel dhijitaal ah, kor u qaadaya hufnaanta kastamyada, isla xisaabtanka, iyo dakhliga dowladeed.

Labada dal ayaa isla gartay in ay bilaabaan kormeerro goobta ah si loo go’aamiyo meelaha ugu habboon ee mashruuca laga fulin doono, waxaana sidoo kale lagu heshiiyay in la sameeyo kormeerro wadajir ah inta dhismuhu socdo.

Dowladda Kenya ayaa ballanqaadday maalgelinta dhismaha buundooyinka halka labada dalna ay wada dejinayaan hannaanno lagu xaqiijinayo tayada mashruuca.

Wasiirka Maaliyadda Itoobiya ayaa carrabka ku adkeeyay in dadka sida tooska ah uga faa’iideysanaya mashruuca ay yihiin bulshooyinka xuduudaha — gaar ahaan reer guuraaga, ganacsatada yar yar, dhalinyarada, iyo qoysaska.

Ugu dambeyntii, labada dhinac ayaa muujiyay ballanqaadkooda ku aaddan dhismaha Geeska Afrika oo isku xiran, xasilloon, kobcaya, kuna saleysan iskaashi dhab ah. Mashruucani ayaa la rumeysan yahay in uu door weyn ka ciyaari doono horumarinta dhaqaalaha, fududeynta helitaanka adeegyada, iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee dalalka gobolka.

#Itoobiya  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #Mashruuca_Albaabka_Horumarinta_Geeska_Afrika #Itoobiya_Kenya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015