Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Slovenia Ayaa Sheegay Inay Xoojinayaan Xiriirka Labada Dal - ENA Af-Soomaali
Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Slovenia Ayaa Sheegay Inay Xoojinayaan Xiriirka Labada Dal

Addis Ababa, Miicaad/Ginbood 28, 2017 (ENA): Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Slovenia ayaa shaaca ka qaaday inay wadaan dadaallo lagu sii xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya.
Madaxweynaha JDFI, Taye Askesilaase ayaa ku qaabilay Madaxweynaha Slovenia, Nataša Pirc Musar, Qasriga Qaranka oo halkaasi kulan kula yeeshay.
Kadib kulan, Madaxweyne Taye oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in labada hoggaan ay kawada hadleen arrimo caalami ah iyo kuwo laba geesoodka ah.
Waxa uu sheegay in ay ka wada hadleen iskaashi dhinacyo badan leh ee ay ka mid yihiin Garaadka macmalka ah, cilmiga hawada sare, iyo qaybaha kale ee ay iskaasshiga.
Dhankeeda, Madaxweynaha Slovenia Nataša Pirc Musar ayaa sheegtay inay la yeelatay wadahadallo miro-dhal ah mas'uuliyiinta Itoobiya si loo xoojiyo xiriirka labada dal.
Waxay sidoo kale muujisay inay doonayaan inay Itoobiya kala shaqeyaan dhinacyo ay ka mid yihiin khayraadka dabiiciga ah, garaaafka macmalka ah, maaraynta biyaha, iyo qeybaha kale.
Madaxweyne ayaa sidoo kale booqatay Qasriga Qaranka intii ay ku guda jirtay safarkeeda.
Saaka, Madaxweyne Nataša Pirc Musar ayaa ubax dhigtay Taalada Guushii Adwa iyadoo u muujinaysay ixtiraam guushii taariikhiga ah ee Itoobiya.
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
#Itoobiya
#Diblumaasiyad