Su’aasha Itoobiya ee ku saabsan helitaanka marin badeed ayaa noqotay ajande caalami ah – Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Gedhiyoon Timootiwoos

Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 28/2017 (ENA): Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Dr. Gedhiyoon Timootiwoos, ayaa sheegay in dadaallada diblomaasiyadeed ee Itoobiya ay suurtageliyeen in arrinta ku saabsan helitaanka marin badeed loo beddelo ajande caalami ah.

Dr. Gedhiyoon ayaa hadalkan ka sheegay kulankii caadiga ahaa ee 34-aad ee Golaha Wakiillada Shacabka, sannad shaqeedkooda 4-aad, halkaas oo uu uga jawaabay su’aalihii xubnaha golaha ka yimid.

Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in siyaasadda diblomaasiyadda Itoobiya ay salka ku hayso istiraatiijiyad mudnaanta siinaysa dalalka dariska ah, taas oo lagu dhisayo xiriir ku dhisan iskaashi horumarineed, ganacsi, maalgelin, nabad iyo amni wadajir ah.


 

Sidoo kale, wuxuu sheegay in siyaasadda diblomaasiyadda ku saleysan daryeelka muwaadiniinta ay horseeday in sagaalkii bilood ee la soo dhaafay dib loogu soo celiyo dalkooda in ka badan 92,000 oo muwaadiniin Itoobiyaan ah oo ku sugnaa xaalado adag oo ka jiray dalalka Afrika iyo Bariga Dhexe.

Wasiirku wuxuu xusay in dowladda Itoobiya ay si dhaw ula shaqeyneyso quwadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo ilaaliyo danaha qaranka Itoobiya.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in Itoobiya ay door muhiim ah ka ciyaarayso xasillinta Geeska Afrika iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale ee gobolka, taas oo si joogto ah loogu muujinayo fagaarayaasha caalamiga ah.

Ugu dambeyntii, Dr. Gedhiyoon wuxuu sheegay in dadaallada diblomaasiyadeed ee Itoobiya ay horseedeen in arrinta ku saabsan helitaanka marin badeed loo beddelo ajande caalami ah. Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in hab-dhaqanka diblomaasiyadeed ee arrintan la xiriira uu u baahan yahay in la waafajiyo shuruucda caalamiga ah iyo nidaamyada wadahadalka nabadeed ee la aqbalo.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
#Marin_badeed

Wakaalada Warka Itoobiya
2015