Madaxweynaha Jamhuuriyadda Slovenia oo ubax dhigtay xuska guusha Adhwa

Addis Ababa, Miicaad/Ginbood 28, 2017 (ENA) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Slovenia, Dr. Nataša Pirc Musar, ayaa maanta ubax dhigtey xuskii guusha taariikhiga ah ee Adwa.

Duqa magaalada Addis Ababa, Adhaanej Abebe, ayaa Madaxweynaha ku soo dhoweysay xuska guusha Adwa.

Madaxweyne Nataša Pirc Musar ayaa xalay fiidkii booqasho rasmi ah kusoo gaadhay magaalada Addis Ababa.

Madaxweynaha ayaa maanta ubax dhigtay taallada xasuusta geesiyaashii Adwa, iyadoo sidoo kale booqatay madxafka.

Wasiiru Dawlaha Wasaarad Arrimaha Dibedda ee JDFI, Hadra Abera, iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Slovenia, Marko Štucin, ayaa sidoo kale shalay ka qeyb galay Madasha 3-aad ee wadatashiga siyaasadeed.


 

Madashan siyaasadeed ayaa lagu sheegay in ay tahay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, lagu sahminayo fursado cusub oo iskaashi ah, isla markaana lagu horumarin karo ganacsiga iyo maalgashiga labada dhinac.

Itoobiya iyo Slovenia waxay muujiyeen sida ya u doonay in ay ku xoojinayaan iskaashiga si ay uga wada faa’iideystaan xiriirkooda laba geesoodka ah.


 

Waxaa sidoo kale la xusay in Itoobiya ay noqotay lammaane muhiim ah, oo aan kaliya muhiim u ahayn gobolka, balse sidoo kale ah saaxiib qiimo badan oo heer caalami ah.

Booqashada Madaxweynaha Slovenia ee Itoobiya ayaa la tilmaamay in ay horseedi doonto xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada maalgashiga iyo ganacsiga.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015