Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) ayaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Slofenia, Natasa Birc Musar - ENA Af-Soomaali
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) ayaa la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Slofenia, Natasa Birc Musar
Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 28/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Slofenia, Marwo Natasa Birc Musar, oo booqasho rasmi ah ku joogta dalka.
Dr. Abiy ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa baraha bulshada ku sheegay in uu ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Slofenia xarunta xafiiskiisa, islamarkaana ay yeesheen wadahadal miro dhal ah oo ku saabsan arrimo badan oo khuseeya labada dal.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, sida siyaasadda, dhaqaalaha, iyo horumarinta.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya