Qodobada ugu muhiimsan ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) uu ka sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay Telefishinka Itoobiya – Qaybta Koowaad - ENA Af-Soomaali
Qodobada ugu muhiimsan ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) uu ka sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay Telefishinka Itoobiya – Qaybta Koowaad

👉 Itoobiyaannimadu waa shabakad mideysa dadweynaha, waana mid ka saraysa danta shakhsiga ah;
👉 Shacab ahaan sida aan u rabno inaan u gaarno horumar, waxaan ku gaari karnaa oo kaliya iyadoo laga duulayo aqoonsigan weyn ee Itoobiyaannimo;
👉 Itoobiyaannimadu ma aha mid isbeddelaya iyadoo ku saleysan xaalada, balse waa mid waara oo shalay jiray, maanta jiro, berri-na jiri doonta;
👉 Itoobiyaannimadu waa aqoonsi sida webiga u qulqulaya – mid aan istaageyn, horey u jiray, maanta jira, berri-na jiri doona;
👉 Itoobiyaannimadu waa qayb ka mid ah danaha qaran;
👉 Waxaa suurtagal ah in danaha qaranka la xaqiijiyo oo la kobciyo marka la dhiso heshiis qaran iyo jiil wax dhisa;
👉 Aqoonsiga Itoobiyaannimadu wuxuu hoos yimaadaa dhammaan aqoonsiyada kale – dhamaan aqoonsiyada waxay hoos yimaadaan Itoobiyaannimo;
👉 Dalka oo ah natiijada wadajirka ah wuxuu u baahan yahay in lagu shaqeeyo iyadoo la tixgelinayo jiilasha soo socda;
👉 Dhismaha dalka wuxuu hirgali karaa markii la isku xiro shalay, maanta, iyo berri – oo wax laga barto shalay, waxna la qabto maanta, lana dhiso berri;
👉 Ma dhiseyno berri iyadoo keliya la hagaajinayo shalay – balse marka la xalliyo caqabadaha maanta jira, ayaa la heli karaa berri wanaagsan;
👉 Hay’adaha ammaanka iyo nabadgelyada ee dhisan ayaa ah kuwa awooda u leh inay ilaaliyaan madax-bannaanida iyo midnimada Itoobiya;
👉 Caqabadaha iyo cabashooyinka waa fursado ay dadku u adeegsadaan kartidooda gudaha si ay natiijo u keenaan;
👉 Waxaan awoodnaa inaan si buuxda u ilaalinno madax-bannaanideena haddii aan si fiican u abaabulanno;
👉 Dowladda ayaa fursado ka dhex raadisay dhibaatooyinka, waxayna ku guuleysatay inay sameyso waxqabadyo Itoobiya faa'iido u leh;
👉 Isbeddelka laga sameeyay dalka waxaa lagu helay taageero iyo bogaadin heer caalami ah, waana mid ka mid ah isbeddellada la qadariyo;
👉 Yoolkeenna waa inaan gaarno Itoobiya nabad ah, xooggan, kana gudubtay rajo-beelka;
👉 Ama duco ha timaaddo ama habaar, miisaanku unaga dheelin maayo – sababtoo ah qorshaha iyo go’aankeenna ayaa miisaanka keena;
👉 Tallaabooyinka lagu ballaarinayo nidaamka siyaasadda iyo horumarinta dhaqanka dimuqraadiyadda ayaa guulo la taaban karo laga gaaray;
👉 Dowladda isbeddelka waxay dhaxashay Itoobiya deyn badan lagu leeyahay, mashruucyo badan oo hakad galay, hay’ado liita, sharciyo lagu takri falo, iyo nidaam musuqmaasuq ku saleysan;
👉 Tallaabooyinka laga qaaday xalinta dhibaatooyinka waxay gacan ka geysteen in Itoobiya ay maanta taagantahay heer ka wanaagsan kii hore.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya