Hay’adaha Nabaddgalyada iyo Amniga ee Ilaaliya Madax-bannaanida iyo Midnimada Itoobiya ayaa la dhisay si ay uga hortagaan cid kasta oo isku dayda inay wiiqdo dalka - ENA Af-Soomaali
Hay’adaha Nabaddgalyada iyo Amniga ee Ilaaliya Madax-bannaanida iyo Midnimada Itoobiya ayaa la dhisay si ay uga hortagaan cid kasta oo isku dayda inay wiiqdo dalka

Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 28/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr) ayaa sheegay in Itoobiya ay dhistay hay’ado nabadgelyo iyo amni oo awood u leh inay si buuxda u difaacaan madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda cid kasta oo isku dayda inay wax u dhimto.
Isaga oo la hadlayay Telefishinka Itoobiya, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu muujiyay in caqabadaha iyo xaaladaha adag ay mararka qaar horseedi karaan horumar weyn haddii si xikmad leh loo wajaho, isagoo tusaale usoo qaatay in dadku ay awood weyn u leeyihiin inay kasoo baxaan duruufahaas.
Wuxuu tilmaamay in waaxda amniga iyo nabadgelyada ay la kulantay caqabado badan, hase yeeshee talaabooyinka dowladdu qaaday ay keeneen natiijooyin la taaban karo.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in isbeddelka lagu sameeyay waaxda nabadgelyada iyo amniga uu horseeday dhisidda awood aysan horay u laheyn, taasoo aan si sahlan lagu gaari karin kahor isbeddelka.
Waxaa uu carabka ku dhuftay in Itoobiya ay hadda leedahay awood ay si kalsooni leh uga hortagi karto dhibaato kasta oo amni ah oo soo wajahda.
Dhinaca amniga internetka, wuxuu sheegay in la dhisay awood wax ka qabata weerarada dhanka internet-ka isla markaana kahor taga waxyeellooyinka suurtagalka ah.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in Itoobiya ay hadda awood buuxda u leedahay inay si hufan u ilaaliso madax-bannaanideeda kana hortagto wax kasta oo khatar ku ah.
Wuxuu xusay in cashir badan laga helay xaalado adag sida dagaallada, weerarrada ay keeneen ayaxa, cudurka COVID-19, iyo kuwo kale, cashiradana loo beddelay horumar dhab ah.
Wuxuu tusaale usoo qaatay waqtiyadii xanuunka COVID-19, laga cabsi qabay inaan waxna laga beerin,” haddana waxaa la sameeyay qorshayaal wax-soo-saarka kordhiyay, oo ka dhigay in la abuuro dhaqanka wax-soo-saarka muddo dheer socon kara, taas oo si weyn u kordhisay wax-soo-saarka.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale sheegay in xilliga safarrada la joojiyay, ay shirkadda diyaaraddaha Itoobiya ay iyadoon wax taageero ah ka helin dowladda ugu adeegaysay dalka, iyadoo ka faa’iidaysatay suuqyada xamuulka, taas oo sababtay in dhibaatada ay ka gudubto shirkaddu.
Ugu dambeyntii, wuxuu tilmaamay in dowladdu ay fursado badan ka dhex heshay caqabadaha, fursadahaa ay ka faa’iidaysatayna ay keeneen horumar la taaban karo oo dalku ka faa’iidaystay.
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
#Itoobiya