Hagaheenu waa himiladeena – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr) - ENA Af-Soomaali
Hagaheenu waa himiladeena – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr)

Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 28/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa sheegay in: “Hagaheenu yahay himiladeena”.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu waraysi siinayay ETV, si qoto dheer uga hadlay waxyaabihii ay dowladdu wajahday, caqabadaha qaran ee la soo maray, iyo tallaabooyinkii la qaaday si looga gudbo.
Isagoo ka hadlayay taageerada iyo mucaaradada uu la kulmay isbeddelka dalka, wuxuu sheegay in labada dhinacba ay yihiin muujin siyaasadeed oo caafimaad qaba.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu yidhi: "Siyaasaddu waa sidii dooni bad ku socota," wuxuuna intaa ku daray in fahamka jihada aynu u soconno ay tahay arrin muhiim ah.
Isagoo xusay in isbeddelka Itoobiya uu dunida ka helay taageero iyo bogaadin aad u weyn, wuxuu sidoo kale xusay in xilliyadii ay jireen mucaarado ay ahaayeen kuwa wakhtigaas ku habboonaa oo laga faa’iiday.
Wuxuu xusay in taageerayaashii isbeddelka iyo xoogaggii ka soo horjeedayba ay labaduba gacan ka geysteen sidii isbeddelku u suurta geli lahaa, isagoo tilmaamay in la is waafajiyay taageerada iyo mucaaradka si loo gaaro ujeedada.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in: "Himiladeenu tahay in aan gaarno nabad, xasillooni, iyo Itoobiya mideysan oo ka badbaadda dhibaatootinka."
Dr. Abiy wuxuu sheegay in: “Duco iyo habaarba haddii ay yimaadaan, midna uusan miisaanka inaga khaldayn,” taasoo uu uga gol lahaa in go’aamada lagu saleeyo aragti, ee aan lagu salayn dareen.
Wuxuu raaciyay in sababta miisaanka loo ilaaliyo ay tahay in hagaha iyo himiladu ay ahaayeen kuwa sugan oo cad.
Ugu dambayntii, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in: “Markii aan ducada helnay, kibrin kama aanan qaadin; markii aan habaat la kulannana, niyad jab kama aanan qaadin. Waxaan ka baranay sababta mid kastaba u dhacay.”
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
#Itoobiya