Tallaabooyinka lagu xoojinayo nidaamka siyaasadeed lagu horumarinayo dhaqanka dimuqraadiyadeed ayaa guulo wax ku ool ah laga gaaray— Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr) - ENA Af-Soomaali
Tallaabooyinka lagu xoojinayo nidaamka siyaasadeed lagu horumarinayo dhaqanka dimuqraadiyadeed ayaa guulo wax ku ool ah laga gaaray— Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr)

Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 28/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr) ayaa sheegay in tallaabooyinka ay dowladda qaaday si ay u ballaariso nidaamka siyaasadeed looguna horumariyo dhaqanka dimuqraadiyadeed ayaa natiijooyin wanaagsan laga gaaay.
Ra’iisul Wasaaraha oo u waramay Telefishinka Qaran ee Itoobiya ETV ayaa si faahfaahsan uga warramay caqabadihii iyo duruufihii adkaa ee ku hor gudbanaa xukuumaddiisa markii ay xilka la wareegeen.
Wuxuu xusay in xilligaasi Itoobiya ay ahayd dal deyn xooggan lagu leeyahay, mashaariic waaweyn oo hakad ahaa ay jireen, hay’ado awooddou daciiftay, sharciyo dhib keeni kara iyo musuqmaasuq baahsan oo hareeyay dalka.
Wuxuu sheegay in kala duwanaanta aragtida siyaasadeed uu xilligaasi sabab u noqday xaalado fowdo iyo khalkhal siyaasadeed.
Tallaabooyinka adag ee xukuumaddu qaaday ayuu sheegay inay ahaayeen kuwo lagama maarmaan u ah sidii looga bixi lahaa caqabadahaasi culus.
Wuxuu si gaar ah u xusay in dowladda ay awoodday in ay bixiso lacag qalaad oo badan si loo sii wado dhismaha biyo-xireenka weyn ee Abaay (GERD), taasoo ay ka go’nayd in aan la joojin.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale muujiyey in tallaabooyinka lagu ballaarinayo madasha siyaasadeed iyo horumarinta dimuqraadiyadda aysan ahayn kuwo sahlan.
Wuxuu sheegay in xabsiyada laga sii daayay maxaabiis siyaasadeed iyo in xoogag mucaarad ah oo dibadda joogay la keeno gudaha dalka, taas oo ka mid ahayd go’aamadii adkaa ee la qaatay.
Wuxuu tilmaamay in go’aamadaas aysan ahayn kuwo khasaare wata, balse ay ka dhasheen faa’iidooyin la taaban karo.
Ugu dambayntii, wuxuu sheegay in tallaabooyinkaasi ay door weyn ka ciyaareen sidii Itoobiya u noqon lahayd dal leh hannaan xasilloon, haybad iyo jiho siyaasadeed oo la hubo.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya