Doorka bulshada ganacsatada ah ayaa door mihiim ah ka qaadanaysa horumarka la gaadhay – Wasiirka Ganacsiga iyo Xiriirka gobolka Dr. Kassahun Gofe - ENA Af-Soomaali
Doorka bulshada ganacsatada ah ayaa door mihiim ah ka qaadanaysa horumarka la gaadhay – Wasiirka Ganacsiga iyo Xiriirka gobolka Dr. Kassahun Gofe
Addis Ababa, Miicaad/Gibood 27, 2017 (ENA): Wasiirka Ganacsiga iyo Xiriirka gobolka ah, Dr. Kassahun Gofe, ayaa sheegay in bulshada ganacsigu ay door muhiim ah ka ciyaarayso horumarka laba-geesoodka ah ee laga diiwaan geliyey Itoobiya.
Wasaaradda Ganacsiga iyo Xiriirka gobolka ayaa bulshada ganacsatada la yeelanaysa wadatashi halkudhig looga dhigay “Doorka bulshada ganacsiga ee horumarka laba-geesoodka ah”.
Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Dakhliga Aynalem Nigussie, Wasiirka Warshadaha Melaku Alebel, iyo xubno ka tirsan bulshada ganacsiga oo ay ka midyihiin canshuur bixiyeyaasha heer federaal.
Dr. Kassahun oo ka hadlay kulanka ayaa tilmaamay in dowladdu ay tallaabooyin wax ku ool ah u qaadayso horumarinta dhaqaalaha qaybaha kala duwan ee dalka, si loo xaqiijiyo kobaca qaranka.
Wuxuu xusay in doorka bulshada ganacsigu uu yahay mid tiir-dhexaad u ah koboca dhaqaalaha, ayna mudan yihiin in la siiyo aqoonsi iyo tixgelin u qalanta.
Wasiirku wuxuu sheegay in bulshada ganacsatadu ay door weyn ka ciyaartay bixinta badeecooyin iyo adeegyo qiimo leh oo gaaraya macaamiisha, taas oo kor u qaadayso qiimaha la taaban karo ee ganacsiga.
Isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga ka dhexeeya dowladda iyo qaybta gaarka loo leeyahay, ayuu sheegay in arrintani ay muhiim u tahay dhismaha dal dhaqaale ahaan xooggan oo xasilloon.
Wuxuu intaas ku daray in kulamada noocan oo kale ah ay muhiim u yihiin xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta labada dhinac.
Dr. Kassahun ayaa sidoo kale sheegay in la diyaariyay siyaasad qaran oo ganacsiga ah si wax looga qabto caqabadaha hortaagan ganacsiga iyo in kor loo qaado tartanka caalamiga ah, islamarkaana la casriyeeyay xeerka ganacsiga oo in ka badan 63 sano jiray.
Waxaa kale oo la sheegay in la hagaajiyay xeerka maalgashiga si loo furo fursado ganacsiga horey u xirnaa sida dhoofinta, soo dejinta, jumlada iyo tafaariiqda oo loo oggolaaday maal-gashadeyaasha ajnabiga ah.
Wasiirka ayaa xusay in la sameeyay fursado cusub oo u suurta galinaya badeecadaha gudaha in ay si tartan ah uga qayb qaataan suuqa caalamiga ah, sidoo kalena la hagaajiyay hab-raacyada dowladda si adeegyada loo bixiyo si dhakhso leh oo hufan.
Wuxuu sheegay in dowladda ay tallaabo sharci iyo maamul qaaday si ay u yareyso khatarta ka imaan kara ganacsiga sharci darrada ah iyo contrabaan-ka.
Dr. Kassahun wuxuu caddeeyay in waxqabadka ganacsiga dibadda ee Itoobiya uu kordhay iyadoo lix sano kahor uu ka hooseeyay 2.6 bilyan, halka uu hadda gaadhay in ka badan 6.2 bilyan oo doollar muddo 10 bilood gudahood ah.
Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo diyaar garow ku aaddan ka faa’iidaysiga fursadaha soo socda, isagoo tusaale u soo qaatay horumarka laga sameeyay iskaashiga lala leeyahay qaybta gaarka loo leeyahay.
Wuxuu hoosta ka xariiqay in tartanka ganacsiga ee dibadda uu muhiim u yahay horumarka iyo kobaca Itoobiya, isla markaana uu ganacsiga gaarka loo leeyahay ay tahay in ay ka faa’iidaystaan fursadaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah si ay door muuqda uga ciyaaraan.
Wasiirku wuxuu ugu dambayn sheegay in si kor loogu qaado doorka ganacsigu ku leeyahay horumarka Itoobiya, ay tahay in shacabka loo fidiyo adeeg tayo leh si loo xaqiijiyo ku qanacsanaanta macaamiisha.
Dowladdu waxay dadaal ugu jirtaa in ay Itoobiya ku biiriso Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), taas oo kor u qaadaysa awoodda tartanka ee bulshada ganacsiga ee Itoobiya si ay uga qayb galaan suuqyada caalamiga ah.
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya