Ololaha “Itoobiya Nadiif ah” ayaa abuurtay fursad lagu dhisi karo Itoobiya nadiif ka ah wasakhowga - ENA Af-Soomaali
Ololaha “Itoobiya Nadiif ah” ayaa abuurtay fursad lagu dhisi karo Itoobiya nadiif ka ah wasakhowga

Addis Ababa, Miicaad/Ginbood 26, 2017 (ENA): Agaasimaha Guud ee Hay’adda Ilaalinta Deegaanka, Injineer Lelise Neme, ayaa sheegtay in wejigii ugu horreeyay ee ololaha “Itoobiya Nadiif ah” uu abuuray xaalad suurtagelinaysa in la helo Itoobiya nadiif ah.
Waxa ay sidoo kale tilmaantay in wejiga labaad ee ololaha “Itoobiya Nadiif ah” uu si rasmi ah heer Qaran looga bilaabi doono laga bilaabo miicaad/ginbood 28, 2017-ka.
Injineer Lelise Neme oo lwarsixaafadeed siisay warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixisay ololaha, iyadoo sheegtay in wejigii hore ee ololaha uu guul kusoo dhammaaday.
Waxay xustay in wejigii koowaad uu abuuray fursad la taaban karo oo suurtagelinaysa in laga dhabeeyo himilada ah in la dhiso Itoobiya billic leh oo ka madaxbanaan wasakhawga.
Wejiga labaad ee ololaha ayaa lagu wadaa inuu socdo muddo lix bilood ah, iyadoo xoogga la saarayo xoojinta iyo ballaarinta howlaha bilowga ahaa ee wejigii hore.
Waxaa sidoo kale sheegtay in ololaha diiradda lagu saarayo la ka hortaga wasakhawga biyaha , ololeyaasha nadaafadda, iyo maaraynta qashinka qalalan oo si muuqata oo la dareemi karo ah.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya