Kulan ku saabsan u diyaar garawga munaasibada ciidul Adxada oo uu soo diyaariyay Komishinka Booliska Deegaanka ayaa lagu qabtay magaalada Jigjiga

Addis Ababa, Miicaad/Ginbood 25/2017 (ENA) Kulankan oo qeyb ka ah kulamada isku xidhka booliska iyo bulshada ayna ka soo qaybgaleen hoggaaminta Komishinka Booliska, ciidamada booliska, dhalinyarada hooyooyinka iyo culimo'awdiinka ku dhaqan magaalada Jigjiga ayaa lagaga wada tashanayay sidii loogu diyaar garoobi lahaa munaasabada ciida iyadoo la iska kaashanayo sugida amniga iyo sidii ay dhalinyarada iyo qeybaha bulshadu uga qeybqaadan lahaayeen ilaalinta iyo xasiloonida caasimadda.


 

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa lagu lafa guray sidii ay si wadajir ah bulshada iyo booliskuba uga shaqayn lahaayeen ilaalinta guud ee amniga, iyadoo ka soo qeybgalayaashii kulanku ay sheegeen in ay diyaar u yihiin sidii ay dhankooda uga xoojin lahaayeen hawlgalada lagu sugayo amniga caasimadda iyo munaasabada maalinta Ciidul Adxada ee foodda inagu soo haysa sidoo kalena la shaqaynta guud ee ciidamada booliska.

#Itoobiya  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015