Xafiiska Qorshaynta DDS iyo Jaamacadda Jigjiga ayaa kala saxeexday heshiis iskaashi - ENA Af-Soomaali
Xafiiska Qorshaynta DDS iyo Jaamacadda Jigjiga ayaa kala saxeexday heshiis iskaashi

Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 23/2017 (ENA): Xafiiska Qorshaynta Dawlad Deegaanka Soomaalida iyo Jaamacadda Jigjiga ayaa kala saxeexday heshiis iskaashi oo ku saleysan wada shaqeyn dhinacyada cilmi-baarista, daraasaadyada, iyo kobcinta awoodaha fulineed ee shaqaalaha labada dhinac.
Munaasabadda saxiixa heshiiskan waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin sare, khubaro iyo qayb kamid ah shaqaalaha labada dhinac. Dhanka Xafiiska Qorshaynta waxaa heshiiska u saxiixay Madaxa Xafiiska, Mudane Cumar-Faaruuq Warfaa, halka dhanka Jaamacadda uu saxiixay Dr. Ilyaas Cabdullaahi, oo ah Madaxweyne Ku-xigeenka Jaamacadda ee arrimaha cilmi-baarista, bulshada iyo tiknoolajiyadda.
Mudane Cumar-Faaruuq ayaa sheegay in mid ka mid ah yoolalka Xafiiska Qorshayntu yahay in xal loo helo caqabadaha bulshada iyo kuwa dhaqaale ee deegaanka ka jira, iyada oo loo marayo siyaasado ku dhisan istiraatijiyad cilmiyeed iyo daraasaad xaqiiqo ku dhisan.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo awoodda cilmi-baarista ee xafiiska iyo isticmaalka tiknoolojiyadaha casriga ah, isagoo xusay in Jaamacadda Jigjiga ay tahay bahwadaag ku habboon arrimahaas, maadaama ay tahay jaamacad cilmiyeed leh karti iyo khibrad ay ku taageeri karto horumarinta deegaanka.
Dhankiisa, Dr. Ilyaas Cabdullaahi ayaa sheegay in Jaamacadda Jigjiga ay diyaar u tahay inay ballaariso doorkeeda ku aaddan tacliinta, cilmi-baarista, iyo adeegyada bulshada, iyadoo sidoo kalena door muuqda ka qaadanaysa horumarinta deegaanka.
Wuxuu hoosta ka xariiqay in Jaamacaddu ay diyaar u tahay in ay noqoto xarun cilmiyeed kaalin muuqata ku leh go’aan-qaadashada horumarinta deegaanka iyo dalka oo dhan.
Ugu dambayntii, Heshiiskan ayaa la filayaa inuu furo waddo cusub oo iskaashi wax ku ool ah oo dhex mara labada dhinac, loogana faa’iideeyo bulshada deegaanka si hufan oo cilmi ku dhisan.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya