Shirweynaha Wadatashiga Bahda Ganacsiga oo Lagu Qabtay Magaalada Jigjiga

Jigjiga, Miicaad 22, 2017 (ENA): Shirweynaha Wadatashiga Bahda Ganacsiga ayaa ka qabsoomay magaalada Jigjiga, caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida, iyadoo halkudhigga shirku uu ahaa: "Doorka bahda ganacsigu waa lafdhabarta geediga barwaaqada aan hiigsanayno."


 

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, oo tilmaamay in deegaanka ay ka jiraan fursado ganacsi oo waaweyn, kuwaasoo u baahan in maalqabeenada iyo ganacsatada deegaanka ay si dhab ah uga faa’iidaystaan. Wuxuu sidoo kale xusay in ganacsatadu ay door muuqda ku leeyihiin hirgelinta qorsheyaasha horumarineed ee dhinaca ganacsiga.


 

Ganacsatada ka qaybgalay shirweynaha ayaa dhankooda muujiyay diyaar-garowgooda ku aaddan sidii ay door firfircoon uga qaadan lahaayeen kor u qaadidda ganacsiga. Waxay sidoo kale ballanqaadeen in ay garab istaagi doonaan dadaallada dowladda ee lagu horumarinayo dhaqaalaha iyo ganacsiga deegaanka.

#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015