Machadka ayaa sheegay in uu soo saaray cilmi-baarisyo wax ku ool ah oo lagaga hortago cudurrada – Brof. Afework Kassu

Addis Ababa, Miicaad/Ginbood 22, 2017 (E.N.A) – agaasimaha guud ee machadka Brofessor Afework Kasu ayaa sheegay in Machadka Cilmi-baadhista ee Armauer Hansen uu soo saaro cilmi-baadhisyo kala duwan oo wax ku ool ah oo lagaga hortagayo cudurrada.

Brof. Afework Kassu oo waraysi siiyay wakaaladda wararka ee ENA ayaa sheegay in machadku si gaar ah diiradda u saarayo cilmi-baarisyo xal u noqon kara cudurrada kala duwan ee dalka ka jira.

Waxa uu xusay in sannadihii lasoo dhaafay uu machadku qabtay cilmi-baarisyo wax tar u yeeshay adeegyadii caafimaad ee dalka, kuwaas oo natiijadoodu ay gacan ka geysteen horumarinta daaweynta cudurrada.

Machadku waxa uu sii xoojinayaa dadaalladiisa cilmi-baariseed, isagoo xoogga saaraya in dalka gudihiisa lagu soo saaro dawooyin iyo tallaalo, si loo yareeyo ku-tiirsanaanta wax-soo-saarka dibadda.

Sidoo kale, Brof. Afework waxa uu sheegay in machadku uu bilaabay cilmi-baarisyo la xiriira sidii dalka gudihiisa loogu beddeli lahaa walxaha muhiimka u ah soo saarista dawooyinka, kuwaas oo hadda laga keeno dibadda.

Waxa uu sheegay in mashruuca lagu soo saarayo walxaha aasaasiga ah ee dawooyinka uu u socdo si wadajir ah oo qorshaysan iyadoo lala kaashanayo jaamacadaha iyo warshadaha dalka.

Brof. Afework Kassu waxa uu xusay in dadaal xooggan la gelinayo sidii tayada iyo heerka dawooyinka Itoobiya loo gaarsiin lahaa heer caalami ah, si ay ugu tartami karaan suuqyada caalamiga ah.

Dhanka kale, machadku waxa uu horey u sameeyay cilmi-baaris hoos u dhigtay muddada daweynta cudurka TB-da ah – hoos ugu dhigtg laga bilaabo sagaal bilood ilaa lix bilood, taas oo loo ah guul muhiim ah.

Sidoo kale, cilmi-baarisyo cusub oo wax ku ool ah ayaa lagu sameeyay tallaalka ka hortagga cudurrada Qoorgooyaha iyo daacuunka, kuwaas oo ah kuwo lagu guuleystay, sida uu sheegay Brof. Afework.

Tallaaladan la horumariyay ayaa waxaa aqoonsaday Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo hay’ado kale oo caalami ah, iyadoo dalal badan oo ay Itoobiya ku jirto ay bilaabeen adeegsigooda.

Machadku waxa uu sidoo kale wadaa cilmi-baaris ku saabsan cudurka duumada, isagoo baadhaya saameynta isbeddelka cimilada iyo deegaanka ka jiri kara faafitaanka cudurka iyo noocyada kaneecada gudbisa.

Cilmi-baaris horay ugu bilaabatay cudurrada maqaarka ayaa hadda u gudubtay baaritaanka cudurrada faafa iyo kuwa aan faafin ee ay ka mid yihiin kansarka, taas oo muujinaysa ballaarinta howlaha cilmi baariseed ee machadka.

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya
#Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015