Itoobiya ayaa si ka go'naansho leh uga shaqaynaysa horrumarinta barnaamijka Cagaaran si ay uga jawaabto Isbedelka Cimilada - Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta - ENA Af-Soomaali
Itoobiya ayaa si ka go'naansho leh uga shaqaynaysa horrumarinta barnaamijka Cagaaran si ay uga jawaabto Isbedelka Cimilada - Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta

Addis Ababa, Miicaad/Ginbood 21, 2017 (ENA) – Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta ayaa sheegtay in dadaallada ay Itoobiya ka waddo la tacaalidda isbedelka cimilada ay yihiin kuwa muujinaya sida ay ugu go’an tahay horumarinta cagaaran iyo horrumarka waara.
Kulanka kooxaha farsamada ee ku saabsan madasha dhaqaalaha aan waxyeellayn cimilada, oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta, safaaradaha Norway iyo Ingiriiska ee Addis Ababa, ayaa la qabtay.
Kulankan waxaa ka qeyb galay hay’adaha dowladda, bahwadaagta horumarinta iyo daneeyeyaasha kale.
Kulanku wuxuu diiradda saaray diyaar garowga shirweynaha labaad ee Afrika ee Cimilada oo lagu qaban doono Addis Ababa bisha Pagumen 2017 T.I.
Wasiiru dawlaha wasaarada Qorsheynta iyo Horumarinta, Dr. siyum mokonen, ayaa sheegtay in isbedelka cimiladu uusan ahayn khatar mustaqbal oo kaliya, balse uu yahay dhibaato caalami ah oo wakhtian la jooga saamayn leh.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Itoobiya ay waddo tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xakameynayo isbedelka cimilada, oo ay ka mid yihiin barnaamijka raadka cagaaran ee dhir beerista, horumarinta tamarta nadiifta ah, iyo gaadiidka cagaaran.
Itoobiya ayaa loo xushay in ay martigeliso shirweynaha labaad ee Afrika ee isbedelka Cimilada, go’aankaas ayaa lagu gaaray shirkii madaxda Midowga Afrika, waxaana la sheegay in shirkan uu noqon doono fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo tallaabooyinka lagula tacaalayo isbedelka cimilada.
Wasiiru dawlaha ayaa intaa ku daray in Afrika ay tahay in ay door hoggaamineed ka qaadato xal u helidda isbedelka cimilada ee heer caalami ah.
Shirkan la qaban doono ayaa sidoo kale lagu soo bandhigi doonaa dadaallada Itoobiya iyo dalalka kale ee Afrika ay ka wadaan la tacaalidda isbedelka cimilada.
Mansur Desie, oo ah agaasimaha iskaashiga horumarinta hay’adaha cimilada ee wasaaradda, ayaa sheegay in Itoobiya ay fulinayso howlo miro dhal ah oo wax ku o'l ah oo looga jawaabayo isbedelka cimilada.
Waxaa la sheegay in madasha dhaqaalaha aan waxyeellayn cimilada ay taageeri doonto dadaallada Itoobiya ee dhinaca cimilada, isla markaana ay tahay madal sanadle ah oo dhiirrigelisa la-tashiga iyo iskaashiga.
Kulanka la qabtay ayaa sidoo kale ahaa mid hordhac u ah shirweynaha labaad ee Afrika ee Isbedelka Cimilada ee la filayo in la qabto bisha Pagume.
Liv Seiersten, wakiilka arrimaha cimilada ee safaaradda Norway ee Itoobiya, ayaa sheegtay in Norway ay si dhow ula shaqaynayso Itoobiya si loo wajaho saamaynta isbedelka cimilada.
Sidoo kale, Dr. Nina Hissen, madaxa waaxda deegaanka iyo cimilada ee safaaradda Ingiriiska, ayaa sheegtay in dalkoodu uu taageerayo dadaallada Itoobiya ee la xiriira suuq-geynta kaarboonka.
Shirkii ugu horreeyay ee Afrika ee cimilada ayaa labo sano ka hor lagu qabtay dalka Kenya.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya