Komishineerka Guud ee Booliska Federaalka Itoobiya, Jeneraal Demelash Gebremichael, ayaa sheegay in dib-u-habeynta hay’adaha nabadgelyada ay suurtagelisay in Boolisku si hufan uga soo baxo waajibaadka qaran ee saaran - ENA Af-Soomaali
Komishineerka Guud ee Booliska Federaalka Itoobiya, Jeneraal Demelash Gebremichael, ayaa sheegay in dib-u-habeynta hay’adaha nabadgelyada ay suurtagelisay in Boolisku si hufan uga soo baxo waajibaadka qaran ee saaran
Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 21/2017 (ENA): Jeneraal Demelash ayaa warbixin dheer siiyay warbaahinta, isagoo xusay in isbeddello la taaban karo laga sameeyay hay’adaha nabadgelyada tan iyo markii la bilaabay dib-u-habeynta qaranka.
Waxa uu sheegay in Booliska Federaalka uu si buuxda uga mid yahay qorshaha qaranka ee sugidda nabadda iyo amniga, isagoo iskaashi la leh ciidanka difaaca iyo hay’adaha kale ee amniga, si loo sugo xasilloonida guud ee dalka.
Sidoo kale, waxa uu xusay in Komishinku haatan leeyahay tababarayaal xirfad sare leh, qalab casri ah, iyo adeegsiga tignoolajiyadda si loo xoojiyo dadaallada ka dhanka ah dambiyada iyo in la xaqiijiyo amniga shacabka.
Jeneraal Demelash waxa uu tilmaamay in Boolisku si geesinimo leh u difaacayo xarumaha muhiimka ah iyo hay’adaha dawladda, isaga oo adeegsanaya aragti ku saleysan ilaalinta xuquuqda aadanaha. Waxa uu xusay in in ka badan 600 oo xarumood iyo dhismayaal muhiim ah la ilaaliyo si joogto ah.
Komishineerku waxa uu tusaale u soo qaatay dadaallada la xiriira sugidda nabadda ee ka socda deegaannada Oromiya iyo Amxaarada, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxaha hubeysan ee Shene iyo xoogagga kale ee xagjirka ah. Waxa uu sheegay in la qaaday tallaabooyin sharci ah oo lala beegsaday kooxahan iyada oo lala kaashanayo hay’adaha kale ee ammaanka.
Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu sheegay in deegaano badan ay hadda ku sugan yihiin xaalad nabad ah, halka xubno ka tirsan kooxihii hubeysnaa ay hubka dhigayaan oo dib loogu darayo bulshada iyaga oo helaya tababar dib-u-habeyn ah.
Jeneraal Demelash waxa kale oo uu sheegay in qorshayaal lagu waxyeelleyn lahaa dalka la fashiliyey kahor inta aanay fulin. Waxa uu xusay in ilaa 972 eedeysane haatan gacanta lagu hayo, dacwadooduna ay u socdaan si sharci ah.
Dhanka la dagaalanka ka ganacsiga sharci darrada ah ee kontarabaanka, Komishineerku waxa uu xusay in 29 ruux oo ku lug lahaa dhaq-dhaqaaqyada sharci-darrada ah lasoo qabtay, halka muddo 9 bilood ah ay boolisku qabteen badeeco sharci-darro ah oo qiimaheeda lagu qiyaasay in ka badan 15.6 bilyan oo birr.
Ugu dambeyntii, waxa uu sheegay in Booliska Federaalka uu si xooggan uga shaqeynayo la dagaalanka dambiyada internetka lagu galo iyada oo iskaashi la sameeyay bangiyada iyo shirkadda Ethio Telecom si loo adkeeyo xakamaynta dambiyada noocaas ah.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya