Itoobiya waxay mudan tahay in lagu taageero dadaalka ay ugu jirto dhisidda dhaqaale cagaaran oo adkaysi u leh isbeddelka cimilada

Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 22/2017 (ENA): Waxaa la sheegay in waddamada saaxiibada horumarinta iyo hay’adaha caalamiga ah ay waajib ku tahay inay taageero siiyaan dadaalka ay Itoobiya ugu jirto dhisidda dhaqaale cagaaran oo adkaysi u leh isbeddelka cimilada.

Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta ayaa madal wadatashi ah u qabatay wafdiyo ka kala socday hay’ado kala duwan, oo ay ku jiraan safaaradaha Norway iyo Ingiriiska.

Madashaas ayaa lagu sheegay in la-dagaallanka isbeddelka cimilada iyo dhisidda dhaqaale cagaaran oo adkaysi leh ay tahay jawaab wax ku ool ah oo xal waara u noqon karta caqabadaha.

Waxaa la xusay in Itoobiya ay muddo sanado ah ka shaqaynaysay qorshe istiraatiijiyadeed cagaaran oo la xiriira la-dagaallanka isbeddelka cimilada, taasoo ka tarjumaysa dadaallada lagu xoojinayo dhirta iyo ka faa’iidaysiga suuq-geynta kaarboonka si dhaqaalaha loo horumariyo.

Madashaas waxaa lagu muujiyey in dadaalka wax ku oolka ah ee ay Itoobiya wado ay u baahan tahay in bulshada caalamku ay aqoonsato, garab istaagto, lana taageero si loo xaqiijiyo natiijooyin waara.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015