Itoobiya waxay si Hagar La'aan ah u shaqaynaysaa maanta, iyadoo Rajaynaysa Mustaqbal Fiican – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa; Miicaad/Ginboot 21/2017 (ENA): Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynaysaa cilmiga hawada sare iyo qaybta Juqraafiga Hawada sare.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa booqday Machadka Cilmiga Hawada sare ee Itoobiya iyo Machadka Juqraafiga Hawada sare.

Raysal wasaaraha ayaa boqashadaas kadib sheegay in machadku uu soo gudbinayey warbixino u baahan horumarinta min dhulka ilaa hawada dhowrkii sano uu aasaasnaa.

Waxa uu sheegay in la wado howlo lagu ogaanayo meelaha leh kheyraadka dhulka hoostiisa iyadoo loo marayo cilmi baaris iyo sahaminta biyaha dhulka, islamarkaana in uu Machadku ku hawlan yahay sidii uu u daraasayn lahaa xaaladda harooyinka Itoobiya iyo sidii loo ogaan lahaa kheyraadka biyaha ku jira.

Waxa kale oo uu sheegay in uu machadku soo saarayo xog muhiim ah oo waxtar u leh horumarka iyada oo la aqoonsanayo dhir-daboolka, biyaha iyo ciidda Itoobiya.

Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa intaa ku daray in aqoon rajo leh laga dhisayo machadka cilmi baarista iyo maareynta xogta biyaha iyo horumarinta dhulka.

Waxa kale uu xusay in markii la aasaasay machadkan ay Itoobiya ku biirtay naadiga caalamiga ah ee hawada sare, isla markaana dhowrkii sano ee la soo dhaafay hawada sare u dirtay laba dayax-gacmeed.

Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in ay socdaan qorshayaal lagu dirayo dayax-gacmeedkii saddexaad ayaa sheegay in ay wadaan howlo la taaban karo oo ku saabsan horumarinta shaqaalaha.

Arrinkan ayuu marka laga soo tago waxbarashada dhigriiga labaad iyo saddexaad ee jaamacadaha, ayaa u baahab in laga shaqeynayo sidii ardayda danahooda iyo xirfaddooda loo xoojin lahaa.

Wuxuu sheegay in tani ay tahay balan qaad mustaqbalka lagu xisaabtamayo, waxaana intii uu ku guda jiray kormeerkiisa uu ku soo arkay xaalad abuur oo sahlaysa in suuqa shaqada uu soo saaro shaqaale tayo leh oo la tartamo.

Waxa kale oo uu sheegay in kor loo qaaday tayada Hay’adda Teleskoobka ee Indoodo, isla markaana loo dhisay inay la kaashato hay’adaha caalamiga ah ee dalka ka sokow.

Waxa uu tilmaamay in hay’adaha caalamiga ah ay si kalsooni leh u isticmaalayaan xogta machadkan, waxa uuna sheegay in wax lagu farxo ay tahay in dhowr sano kadib la arko.

Ugu danbayntii, Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa sheegay in Itoobiya ay rajo leedahay islamarkaana in maanta ay dadaal badan ku bixineyso sidii ay mustaqbalka u horumar u gaadhi lahayd; isaga oo hadalkiisa kusoo koobay oo yidhi, "Waxaan dhisaynaa dal dhinac walba u wanaagsanaan doona jiilka mustaqbalka".

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015