10 Hay'adood oo Federaalka ah, Dawlad Deegaanada iyo Maamullada Magaalooyinka Ayaa bilaabay Addeega Waaxyaha Isgaarsiinta Casriga ah - ENA Af-Soomaali
10 Hay'adood oo Federaalka ah, Dawlad Deegaanada iyo Maamullada Magaalooyinka Ayaa bilaabay Addeega Waaxyaha Isgaarsiinta Casriga ah

Addis Ababa; Miicaad/Ginbood 20/2017 (ENA): 10 Hay'adood oo Federaalka ah, Dawlad Deegaanada iyo Maamullada Magaalooyinka Ayaa Adeega bilaabay Waaxyaha Isgaarsiinta Casriga ah ayaa si rasmi ah loo daah furay oo looga bilaabay adeeg bixinta.
Waaxahan isgaarsiinta ee casriga ah waxay u sahli doonaan daneeyayaasha meelaha kala duwan ku sugan inay si fudud isugu xirmaan oo ay u kulmaan oo ay u fududeyso shaqadooda.
Wasiirka hal abuurka iyo tignoolajiyada Balade Molla (Dr.) ayaa sheegay in waaxahan isgaarsiinta casriga ah ee maanta la bilaabay ay yihiin kuwo lagu qalabeeyay tignoolajiyada casriga ah, loona dhisay si tayo leh.
Isagoo sheegay in waaxyahani ay abuuri doonaan xiriir shaqo oo leh dardargelin mideysan, wuxuuna xusay in kaabayaasham dhaqaalaha si sax ah looga faa’ideysto lana ilaaliyo si loo helo adeeg waqti dheer ah.
Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha Shaqaalaha, Shaqada iyo Teknoolojiyada ee Golaha Shacabka, Dr. Negeri Lencho, ayaa sheegay in xarumaha isgaarsiinta casriga ah ay kaalin weyn ku leeyihiin isdhaafsiga macluumaadka.
Sidoo kale, wuxuu xusay in waaxahani loo baahanyahay in si loo helo adeegyada la gaadhsiiyo dhammaan deegaanada.
Wasiiru-dawlaha Hal-abuurka iyo Tignoolajiyada, Yishrun Alemayehu (Dr.), ayaa sidoo kale sheegay in kaabayaasha dhaqaalaha la horumarinayo si loo xaqiijiyo Itoobiya Digital ah.
Xarumaha isgaadhsiinta casriga ah ayaa lagu qalabeeyay teknoolojiyad casri ah oo u oggolaanaya hawlo kala duwan, kulamo iyo tababaro lagu qabanayo waqti iyo qaab kharash badan.
Waxaa lagu qalabeeyay shaashado casri ah, , isgaarsiino sare oo loogu talagalay shirarka conferenciyada ah iyo muuqaalo leh, iyo aaladaha ilaalinta codka.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya