Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha Deegaanka Soomaalida ayaa dhamaystiray dayactirka Dab-damisyada Jigjiga iyo Godey ee wajiga Labaad - ENA Af-Soomaali
Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha Deegaanka Soomaalida ayaa dhamaystiray dayactirka Dab-damisyada Jigjiga iyo Godey ee wajiga Labaad

Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 20/2017 (ENA): Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa si rasmi ah u dhamaystiray wajiga labaad ee mashruuca dayactirka dab-damisyada magaalooyinka muhiimka ah ee Jigjiga iyo Godey.
Mashruucan oo qayb ka ah qorshaha xukuumadda ee lagu tayeynayo adeegyada degdegga ah ee magaalooyinka, ayaa diiradda saaray hagaajinta xarumaha dab-damiska, qalabayntooda casriga ah, iyo tababarka shaqaalaha dab-damiska si ay ugu diyaar garoobaan wax-ka-qabashada xaaladaha degdegga ah sida dabka iyo musiibooyinka kale ee halista ku ah nolosha iyo hantida shacabka.
Wajiga labaad ee mashruuca ayaa ka kooban dayactirka iyo hubinta in gaadiidka dab-damiska ay si buuxda u shaqeynayaan. Waxaa sidoo kale la xoojiyay xiriirka u dhexeeya dab-damisyada iyo hay’adaha kale ee ammaanka iyo caafimaadka si loo kordhiyo isku-duubnaanta wax-ka-qabashada musiibooyinka.
Mas’uuliyiinta Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha ayaa sheegay in hawshan ay tahay tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa badbaadada muwaadiniinta loogana gol leeyahay in la helo adeeg dab-damis oo casri ah, hufan, isla markaana la jaanqaadi kara baahiyaha sii kordhaya ee magaalooyinka Deegaanka Soomaalida.
Shacabka deegaanka ayaa si weyn u soo dhaweeyay dadaalka xukuumaddu ugu jirto tayaynta adeegyada aasaasiga ah, iyaga oo muujiyay rajo ah in adeegyada dab-damiska ay si degdeg ah uga jawaabi doonaan masiibooyinka.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #DabDamis #Jigjiga #Godey