Madaxweynaha DDS ayaa shir-guddoomiyay kulan muhiim ah oo lagu qiimeeyay xaalada guud ee Amniga Deegaanka Soomaalida - ENA Af-Soomaali
Madaxweynaha DDS ayaa shir-guddoomiyay kulan muhiim ah oo lagu qiimeeyay xaalada guud ee Amniga Deegaanka Soomaalida

Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 20/2017 (ENA): Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii joogtada ahaa ee Golaha Amniga DDS, kaas oo diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda guud ee amniga deegaanka iyo sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada lagu xaqiijinayo nabadgelyo waarta.
Kulankan muhiimka ah ayaa waxaa ka soo qaybgalay xubnaha sare ee Golaha Amniga, saraakiisha ciidamada kala duwan, iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda deegaanka. Waxaa lagu falanqeeyay arrimo muhiim u ah amniga guud ee deegaanka.
Madaxweyne Mustafe ayaa ku adkeeyay golaha muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo ka dhexeeya hay’adaha amniga, shacabka, iyo maamulka deegaanka si loo sugo xasilloonida iyo horumarka. Waxa uu sidoo kale xusay in amnigu yahay tiir-dhexaadka horumarka dhaqaale, siyaasadeed, iyo bulsho ee deegaanka.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa faray in la dardargeliyo dadaallada sugidda amniga, la xoojiyo la-tashiga shacabka, lana kordhiyo wacyigelinta bulshada si looga hortago wax kasta oo carqalad ku keeni kara amniga, nabadgalyada, horumarka iyo deganaanshaha deegaanka.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya #Deegaanka_Soomaalida #Nabadgelyada_Amniga