Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa booqday Machadka Cilmiga Hawada Sare iyo Juqraafiga ee Itoobiya

Addis Ababa, Miicaad/ Ginboot 20/2017 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa maanta booqday Machadka Cilmiga Hawada Sare iyo Juqraafiga ee Itoobiya.

Waxaa la sheegay in machadkani uu yahay xarun ka shaqeysa cilmi-baaris ku saabsan xogaha laga helo deegaanka laga bilaabo dhulka ilaa hawada sare.


 

Cilmi-baarista uu machadku sameeyo ayaa lagu sheegay inay tahay mid cilmiyeed oo lagu falanqeeyo xogaha si loo helo saadaal iyo qorshe horudhac ah, taasoo ka caawin karta hay’adaha ay khusayso inay ka faa’iideystaan.

Cilmi-baarista ku saabsan juqraafiga ayaa si weyn uga qaybqaadata arrimo badan oo kala duwan, waxaana maanta lagu soo bandhigay qaybaha kala duwan ee xog ururinta iyo cilmi-baarista ee ka socda gudaha xarunta.

#Xafiiska_Raiisul_Wasaaraha_Itoobiya #Itoobiya  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015